Hargeysa (ANN)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maantu ka hadlay arrimaha Somaliland iyo Soomalaiya, ayaa in Somaliland wax baddan kaga maqan yihiin Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay  passport-ka iyo xajka.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Khudbada Madaxwaynaha waxaaka dhashay dareen fal celineed, iyadoo ay ka hadleen Xisbiga mucaaradka ee KULMIYE, iyo siyaasiyiin, isla markaana qaar baddan oo ka mid ah Bulshada kaga fal celiyeen baraha bulshada hadalka Madaxweynaha.

“Ma jirto nasiibdaro ka weyn in Madaxweyne qarankani lee yahay uu u badheedho in qarankan Baasaboorkiisii uu la mideeyo Kii Soomaaliya.” sidaa waxa yidhi, Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafa Shiine) oo qoraal saxaafadeed kaga hadlay arrinta.

 

“Arrinaha keliya ee ay dadka ajenebiga ah ee Somaliland qadiyadeeda taageeraa ay Ku difaacaan qarankan waxa ugu weyn qodobada kala ah:- * Somaliland waa dal leh Baasaboor u gaar ah. *Somaliland waxa ay lee dahay lacag u gaar ah. ayuu yidhi, Afhayeenka KULMIYE.

“Marka laga tago in Somaliland ay lee dahay waxyaabo badan oo u gaar ah sida xad cayiman, ciidan iyo golayaal sharci dejin, haddana maanta waxa ummadda reer Somaliland ay aad uga fajaceen hadalka aan laga filayn in Masuul reer Somaliland ah uu ka soo bixi karo, daayee in madaxweyne shacabkani doorteen afkiisa laga maqlo.”  sidaa awgeed, wuxuu yidhi, Si kastaba xaalku ha noqdee waxa maanta la tebayaa golayaashii sharci dejinta ee la xisaabtami lahaa ummaddana tusi lahaa isla xisaabtanka qarankan.

Waxa sidoo kale, arrintan ka falceliyayCabdinaasir Cumar oo hore u ahaa wasiir ka tirsan xukuumaddii Madaxweyne Biixi, wuxuu arrintaa ku tilmaamay mid nasiibdaro ah in Khudbada Madaxwaynaha ay ku jireen laba khalad oo waawayn. Madaxwaynuhu wuxuu yidhi,  waxaynu ka goosanay Soomaaliya 18.5.1991.

“Hadalkaasi wuxuu gaf ku yahay xoriyadii iyo madaxbanaanidii aynu ka qaadanay 1960 dawladii ingiriiska. Halgan dheer kadibna xoriyadaas waxaynu lasoo noqonay 18 May 1991. Madaxwayne maynu goosan ee xoriyadii inaga luntay ayaynu lasoo noqonay.”ayuu yidhi, Cabdinaasir oo qoraal ku naqdiyay laba qodob oo ku jiray khudbada Madaxweynaha Somaliland.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya Passport ku inaga dhexeeyo. “Arinkaasi waa niyad jab iyo hadal aan u qalmin madaxwaynihii umadeenu dooratay ee loo doortay in uu dadkan gaadhsiiyo Himiladooda nololeed iyo inay wadankooda ugu noolaadaan si u qalanta kuwa la midka ah Madaxbanaanidooda.

Mudane Madaxwayne dadkeena isticmaala passpor- ka Somalia ugama duwana passport-ka wadamada jaarka aynu nahay ee aynu ku helo in la inagu sharfo iyo in aynu wadooyin kale u marno helitaankiisa. Passport-ka ummadan aad u dhaaratayna waa keena Somaliland passport oo aynu ugu safarno in badan oo dunida ka mid ah. sidaa awgeed hadalkaa ah Soomaaliya waxaa inaga dhexeeya passport wuxuu u baahanyahay in lasaxo. ayuu yidhi.Cabdinaasir Cumar.

Khudbada Madaxweynaha halkan ka dhegeyso.