Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland waxa la shaaciyay 24 saacadood ee u danbeeyay in la baadhay 28 qof oo kadib markii ay lasoo xidhiidheen Wasaaradda Caafimaadka iyagoo ka shakisan xannuunka Coronavirus, isla markaana laga helay 8 ka mid ah. Sidaana waxa watbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Dadka xannuunka laga helay shan qof waa rag, saddex qofna waa Haween, ayuu yidhi, Agaasime Xergeeye oo maanta warbaahinta siinayay warbinta maalinlaha ah ee halka uu marayo xannuunka COVOD-19.

Tirada guud ee dadka xannuunka qaba ayaa noqoanya hada marka lagu daro siddeda qof 225 qof, halka ay dhimayso 17 qof, walaw aannay maanta la shaacin dhimasho, isla markaana ay muujinay inuu sii kordhayo xannuunka COVID-19.

Halkan Ka Daawo: