Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay guddi mus-dambeed muran dhalisay oo dhawaan uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo sheegay in loo samayn doono sidii ay taageero uga siin lahaayeen qabashada doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaga xubnaha kale ee guddigiisu shir jaraa’id ku qabteen xaruntooda Hargeysa , kaasi oo ay ku shaacinayeen gudo-galka hawsha qaybinta kaadhadhka codbixinta ee dadkii hore isu diiwaangeliyey, ayaa uu sheegay in aanay si toos ah u ogayn guddi kale oo loo samaynayo iyaga, balse Komishanku yahay hay’adda qaranka qaabilsan arrimaha doorashooyinka oo ku shaqaynaysa xeerarka ay ku dhisan tahay.
Guddoomiye Cabdiqaadir oo shirkiisa jaraa’id kadib la waydiiyey inay jirto mus-dambeed loo samaynayo komishanka iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Komishanku waa hay’adda ugu sarraysa ee u qaabilsan dalka inay hagto doorashada, diiwaangelinta iyo wixii la xidhiidha, ilaa hadda si toos ah ayaanu u wadashaqaynaa hay’addaha aannu wada xidhiidhno oo ah inaannu isu marno wixii aannu is farayno ama kala qaadanayno hadday saddexda xisbi qaran tahay iyo hadday dawladda tahayba, xidhiidhkayaguna waxa uu ka dhaxeeyaa afartaas hay’addood iyo annaga oo dhex u ah, dhex-dhexaadnimadayada iyo jiritaankayagana xeerar ayaa qeexaya, welina ma hayno wax toos ah (mus-dambeedka), laakiin marka ay timaado waanu ka hadli doonaa.
Waxaannu ku dhisanahay xeerar, sharcigana nina kama sarreeyo, xeerarkaasi wixii ay na farayaan ayaanu ku dhisanahay xeerarkaasina way qeexayaan waanay cad yihiin.”
Waxa kaloo uu ka hadlay kulan la sheegay inay dhawaan la yeesheen Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada iyo qaabka ay u wada xidhiidhaan dhinacyada ay wadashaqayntu ka dhaxayso, “Komishanka Doorashooyinka ayaa u yeedha ama ay ka timaadaa inuu arko hay’addaha uu la xidhiidho, waddan sharci ku dhaqma ayeynu nahay, sharciga haddii aynaan marina waxeennu waxay noqonayaan inuu walaac galo, xeerka doorashooyinka ee lagu dhisay Guddida Doorashadu isaga ayaa Komishanka awood u siinaya inuu hay’ad kasta oo uu wax uga baahdo u diro waraaq.
Sida aannu dawladda maalintaas dhawayd ugu tagnayna waxay ahayd shaqadii naga dhaxaysay, Madaxweynaha meel ka hoosaysana ma aragno, maadaama oo aannu galayno kaadh-bixintii waxaannu Madaxweynaha ugu tagnay inaannu gaadhsiino inaannu u baxayno labadaas gobol oo dhamaystirnay wixii agab iyo shaqaale ahaa ee loo baahnaa, isla markaana ay ogaadaan in shaqadii la gudo galay, wixii naga dhiman hadday xisaab tahay, hadday shuruuc tahay iyo wixii aannu uga baahanayba halkaas ayaanu galinay oo waa dariiqada aannu u marno Madaxweynaha iyo sadexda guddoomiye ee xisbiyada,” ayuu yidhi.
Mar kale waxa wax laga waydiiyey hadal ka soo yeedhay La-talihii hore ee Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Jawaan oo sheegay in xubnaha Komishanku u diideen inuu ka qaybgalo kulan ay lahaayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, halkaasna ay uga muuqatay inay jiraan qorshayaal qarsoon oo ka dhexeeya iyaga iyo Madaxtooyada, sidaas darteedna uu isku casilay.
Guddoomiyaha Komishanka oo su’aashaas ka jawaabayeyna waxa uu yidhi, “La-taliyaha madaxweynuhu waa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada ee maaha la-taliyaha Komishanka, komishankuna marka uu doonayo inuu la hadlo Madaxweynaha waa inuu la fadhiyaa madaxweynaha marka ugu dambaysa ee aannu gaadhno, laakiin tii uu kaga baxay Cabdillaahi Jawaan waa annaga oo sii diyaarinayna wixii madaxweynaha loola tagi lahaa oo Wasiirka Madaxtooyada aannu ka sii diyaarino si aanu Madaxweynaha ugu tagno.”
Dhinaca kale, waxa uu shaaciyey in xubnaha Komishanka Doorashooyinka iyo shaqaaluhu u kala baxeen gobollada Awdal iyo Saaxil iyo 12 goob-diiwaangelineed oo ku yaal xeebta Gobolka Sanaag, kuwaas oo ay ka bilaabayaan qaybinta kaadhadhka codbixinta doorashada 29 bishan April.
“Waxaannu u sheegaynaa dadweynaha guud ahaan, gaar ahaana labada gobol ee Awdal iyo Saaxil iyo goobaha xeebta ee Gobolka Sanaag in qof kasta oo la siiyey waraaqdii ama shahaadadii diiwaangelinta uu qaato kaadhka codbixinta oo ay la tagaan goobtii qof waliba iska diiwaangeliyey.
Waxaannu xisbiyada qaranka ku boorrinaynaa in ay waajibaadkooda qaran ka qaataan, maaha olole doorasho ee waa olole kaadh-qaadasho oo ah mid qaran oo ka sarreeya olole xisbi, waxaannu ka codsanaynaa inay ilaaliyaan, kuna ilaaliyaan taageerayaashooda anshaxa kaadh qaadashada oo la ilaaliyo anshaxa,” ayuu yidhi Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Saddexda xisbi qaran waanu u mahadcelinaynaa, haddaanay nagu kalsoonayn oo aanay ogayn siday shaqadayadu u socoto oo aanay qayb naga mid ah ahayn aanaan halkan soo gaadhsiineen shaqada aannu qaranka u hayno ee aad noo igmateen, taas oo aannu jecelnahay in shacab iyo dawladba lagu ixtiraamo oo lagu qaddariyo Komishanku inay shaqadiisa u madaxbannaanaado, sida aannu u wadno shaqada xisbiyada iyo daneeyayaasha doorashooyinku way la socdaane uu dhego-dhegaaluhu ka daayo in la jaha-habaabiyo geedi-socodka doorashadeenna, doorashadan innagu soo socota oo ah mid aynu uga baahi badanahay doorashooyinkii hore, sababo badan dartood, iyadoo aad ogtihiin in caalamkii ay ka taagan yihiin dib-u-dhigisteennii doorashooyinka, markaa waa in aynu innagoo gacmaha is-haysana aynu ku galno doorashadan si aynu sumcaddii caalamka u soo jeedsanno.”