Araweelo News Network

muuqaal dad ku jira safafka diiwaangelinta

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay hab cusub oo qofka isdiiwaangeliyey ku ogaan karo halka uu ka qaadanayo kaadhkiisa codbixinta si uu uga qaybgalo doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan bisha November ee sannadkan 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey barta internet-ka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa kaloo habkan cusub loogu talogalay in qofka isdiiwaangeliyey ku ogaan karo inuu waayey xaqa uu u lahaa inuu codeeyo hadduu isdiiwaangeliyey wax ka badan hal mar, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan:
“Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga oo adeegsanaya farsamo kasta amma hannaan kasta oo ay ku gaadhsiinayaan farriimaha lagu ogaysiinayo is-diiwaangeliyayaasha codbixiyayaashu in ay qaataan kaadhka codbixinta xarumaha loogu talogalay in lagu qaybiyo, ayey hirgeliyeen hab cusub oo muwaaddinku (haddii uu is-diiwaangeliyey) ku ogaan karo goobta amma xarunta uu ka qaadanayo kaadhka codbixinta, isaga oo adeegsanaya telefoonka gacanta (Mobile). Habkan cusub waxa ka caawiyey shirkadda Telesom.
Maxaa looga baahan yahay isdiiwaangeliyaha si uu u isticmaalo farriintan?
• Waa in uu haystaa xaashidii la siiyey waqtigii uu is-diiwaangelinayey ama garanayaa lambarka u gaarka ah isdiiwaangeliyaha oo ka kooban 13 lambar.
• Waa in uu haystaa telafoon gacmeed (Mobile phone) ku shaqaynaya SIM-kaadhka shirkadda Telesom.
Habka loo isticmaalayo
Si aad u ogaato halka aad kaadhka codbixinta ka qaadanayso raac hannaankan hoos ku xusan:
➢ Diyaari farriin ka kooban lambarka kaadhka codbixinta ee ku qoran xaashidii lagu siiyey waqtigii aad is-diiwaangelinaysay
➢ Ku socodsii farriintaa kor ku xusan lambarka 353
➢ Waxa aad heli doontaa cabbaar yar ka bacdi mid ka mid ah farriimaha hoos ku xusan
➢ Ka doono kaadhkaaga codabixinta xarunta “360 Guriga Shaqaalaha”
➢ Waxa aad is-diiwaangelisay hal mar wax ka badan
➢ Lamberka kaadhka codaytu maaha mid jira.
Sharraxaad:
Haddii isdiiwaangeliyuhu si sax ah isku diiwaangeliyey waqtigii diiwaangelinta waxa uu helayaa farriinta u tilmaamaysa halka uu ka qaadanayo kaadhka codbixinta.
Haddii uu is-diiwaangeliyey hal mar wax ka badan waxa uu helayaa farriin u sheegaysa in uu hal mar wax ka badan isdiiwaangeliyey, sidaa daraadeed muwaaddinku heli maayo kaadh uu ku codeeyo.
Haddii lamber khaldan aad dirto waxa aad heli doontaa farriin kuu sheegaysa in lamberku aannu jirin,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Dhinaca kale, xubnaha Kommishanka Doorashooyinka Qaranka oo ku sugan Gobolka Awdal ayaa soo afjaray kala saarista, hawlgalinta iyo tababarka shaqaalaha ka hawlgali doona kaadh qaybinta oo laga bilaabi doono gobolkaas 29 April 2017 oo ku beegan maalinta Sabtida soo socota, haddii Ilaahay yidhaa.
Shaqaalahan oo dhammaan laga wada qaatay Jaamacadda Cammuud waxa ay soo dhammaysteen tababar socday muddo afar maalmood ah, kadib waxa loo dhaariyay shaqada ay qaban doonaan hufnaanteeda iyo daacadnimadeeda, dhaartaas oo ka dhacday Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama.
Sidoo kale, waxa la diyaariyey hawlwadeennada ka shaqayn doona qaybinta kaadhadhka codbixinta ee degaannada Gobolka Saaxil oo isna hawshiisa la bilaabayo isla 29 bishan April oo ah maalinta Sabtida, iyagoo Komishanka Doorashooyinku ugu baaqay dadka isdiwaangeliyey inay si habsami ah u qaataan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka.