Hargeysa(ANN)-Guddidii hore ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Lix ka mid ah Todoobada xubnood ee Komishanku ka koobanyahay, kuwaas oo ay weli ka maqan tahay xubintii laga sugayay Xisbiga WADDANI.

AKHRI: Somaliland: Ansixintii Golaha Wakiiladda Ee Xubnaha Guddida Doorashooyinka

Munaasibada ay xilka ku kala wareegayeen Komishanka Cusub ee doorashooyinka oo aan isu dhamayn iyo Todobadii xubnood ee Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxa ka hor xil wareejintaa guddoomiyaha Komishanka cusub loo doortay Cabdirashiid Maxamed Cali (Ina Riya-raac) oo ahaa xudunta ugu weyn muranka u dhexeeyay Axsaabta mucaaridka iyo Xukuumadda, kaas oo lagu muransanaa soo xulistiisa, isla markaana Xisbiga WADDANI, gebi ahaanba diiday inuu soo magcaabo xubintiisa, isagoo sabab uga dhigay sharciyada lagu soo xulay laba xubnood oo ka mid ah Komishanka.


Xubinta uu soo xulay Xisbiga UCID, Xasan yusuf Ducaale oo waraabinta la hadlay markaa kadib ayaa sheegay in ay khalad ahayd in ay xubnohoodu doortaan Guddoomiye oo weliba u doortaan xubin lagu muransanayahay oo mucaaradku hore u sheegeen in aanay ku kalsoonayn, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mid khaldan, isagoo xusay in Culimada iyo Ergada kale ee ku dhexjiray khilaafka xilligan taagan ay la kulmeen Khamiistii todobaadkan Lixda xubnood, isla markaana ka codsadeen inaan la samayn wax doorasho ah oo ay ka war sugaan, balse waxa uu sheegay in arrinta saaka dhacday ee Cabdirashiid Riya-raac loogu doortay Guddoomiyaha ay tahay mid ku wacad-furtay Ergada oo aanu isagu raali ka ahayn, isla markaana aanu dooran inuu noqdo guddoomiye.


Dhinaca kale Guddidii hore ee Komishanka, ayaa ku wareejisay xubnaha cusub, kuwaas oo khilaaf kale sii dhex-galay, kadib markii Cabdirashiid Riya-raac loo doortay Guddoomiye, kaas oo guddoomiyihii hore ee Komishnaka Doorashooyinka kala wareegay xilka.

Xubinta uu soo xulay  Komihsnaka Doorashiooyinka Somaliland Xisbiga UCID, Xasan yusuf Ducaale oo ka hadlay doorashada Riya-raac 20 Nov 2019, by Araweelo News Network.
Xubinta uu soo xulay Komihsnaka Doorashiooyinka Somaliland Xisbiga UCID, Xasan yusuf Ducaale oo ka hadlay doorashada Riya-raac 20 Nov 2019, by Araweelo News Network.

AKHRI: Somaliland: Maxkadda Sare Oo Madaxweynaha Hortiisa Ku Dhaarisay Lixda Xubnood Ee Komishanka Iyo Xiisadaha Ka Alloosan