Araweelo News Netwk

Hargeysa(ANN)-Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyay shuruuddaha looga baahanyahay tartamayaasha Hoggaanka Xisbiga ee la doonayo in lagu doorto shirweynaha loo qorsheeyay inuu ka qabsoomo magaalada Hargeysa, 4 Oct 2020.

Af-hayeenka guddida qabanqaabada Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa ka hor intii aannu shaacin shuruudaha lagu xidhay murrashaxiinta sheegay in shirwaynaha afraad ee Xisbiga Kulmiye lagu dooranayo Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye ku xigeenada, isla markaana shirweynaha oo shantii sannadoodba mar la qabto ay sidoo kale kasoo baxaan Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe, sidaa awgeed wuxuu sheegay in shirweynaha Afraadna ay kasoo baxayaan hoggaankii iyo Hay’addihii shanta sannadood ee soo socda hoggaamin lahaa Xisbiga.

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), ayaa warbaahinta u akhriyay shuruudaha looga baahanyahay daneeyayaasha hungurigu ka hayo in ay u tartamaan hoggaanka Xisbiga, wuxuu isagoo ka hadlaya shuruurahaa yidhi, sidan:-

 

1, Xubinta u tartamaysa guddoomiyaha xisbiga iyo guddoomiye-kuxigeennadu waa inuu 10-kii sano ee ugu dambeeyeyna uu ahaa xisbiga KULMIYE, islamarkaana uu qaadhaanka xisbiga bixinayey, waana inuu noqdaa xubin firfircoon oo xisbiga ka dhex muuqata.

  1. Xubinta u tartamaysa guddoomiyaha iyo ku-xigeennada xisbigu waa in aannu ahayn xubin ka baxay xisbiga, haddana kusoo noqday.
  2. Mussharrixinta guddoomiyaha iyo ku xigeenka u tartamaysaa waa inay labadii sannadood ee ugu dambeeyey dalka deggenaayeen oo ay joogeen.

4.Xubin kasta oo u tartamaysa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waa inay bixisaa 129,000,000 (boqol iyo sagaal iyo labaatan milyan ) oo shilinka Somaliland ah oo aan soo celin lahayn.

  1. Xubin kasta oo u tartamaysa, guddoomiye-ku-xigeennada koowaad, labaad, saddexaad iyo afraad, waa inay bixiyaan 86000,000 (Lix iyo siddeetan milyan) oo Somaliland shilin ah oo aan soo celin lahayn.
  2. lacagtaasi waa in lagu bixiyaa ugu dambayn bisha September 2020 (sagaalaad) shanteeda, wixii faahfaahin ahna waxa lagala xidhiidhayaa guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE.
  3. Murarrashaxu waa innuu soo gudbiyaa codsigiisa oo qoraal ah iyo jagaqada uu u sharraxan yahay.
  4. Murashaxu waa innuu soo gudbiyaa warqaddaha denbi la’aanta iyo caafimaadka.

 

Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka haya talada dalka Somaliland, ayaa dhowaan sheeciyay in uu qabanayo shirweynihiisa Afraad ee uu yeesho tan markii la aasaasay bishii May ee sannadkii 2002. Xilligaa oo ahayd markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka guurtay nidaam beeleedkii doorashooyinka ee ku meel-gaadhka ahaa ee u guurtay nidaamka doorashooyinka hal cod iyo hal qof (One Vote One Person), isla markaana la hirgeliyay nidaanka xisbiyada Somaliland.

 

AKHRI: Xisbiga KULMIYE Oo Shaaciyay Shirweynihiisa Afraad