Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Hargeysa (ANN)-  Fadhigii 50-Madaxeeynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi  (Cirro ) ayaa gudoomiyay Shirka golaha Waiirrada oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda ee Hargeysa.

Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland ooo ahaa Fadhigii 50-aad ee Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ugu mudan yihiin xaaladda amniga dalka ee xilligan iyo mawaadiic kale oo ahmiyad weyn u leh Qaranka.

Hase yeeshee waxa lagu hormaray mawduuca la xidhiidha xaaladda amniga dalka..

 

1. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, min bari ilaa galbeed, uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba.

2. 𝐌𝐢𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐫𝐞𝐲𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐬𝐭𝐚𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee istaraatijiayda Mudane Kamaal Axmed Cali (Kamaal Marjaan) ayaa Golaha warbixin waafi ah ka siiyey Barnaamijka “Midaynta Ereyga iyo Astaamaha Qaranka” oo ah dib-u-habayn ballaadhan oo uu Madaxweynuhu amray in lagu sameeyo nidaamka war-isgaadhsiinta (Communications) iyo Astaamaha Xukuumadda (Branding).

La-Taliyaha ayaa soo ban dhigay, dhamaystirka qeexidda Astaanta Qaranka iyo midaynta Astaamaha sumadda u noqonaya Hay’adaha Xukuumadda, aasaaska waaxda war-isgaadhsiinta ee Hay’adaha Xukuumadda, iyo dhammaystirka Technoolajiyada Xidhiidhka Xafiiska La-Taliyaha iyo Wasaaradaha. Waxa kale oo uu Golaha u soo bandhigay Rugta Kaydka Xogta shaqo ee Madaxweynaha, (Digital Library) oo hadda kaddib si rasmi ah looga heli doono xogta shaqo iyo waxqabadka ee Madaxweynaha, taasi oo ku qoran Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

3. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝:

Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey ka doodayeen Siyaasadda Qaranka ee Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.

Siyaasaddan oo muhimmad weyn u leh Qaranka JSL ayaa dooddiisu soo dhammaatay, intaa kaddibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa Siyaasadda Maamulka Dhulka geliyay cod gacan taag ah. Golaha waxa fadhiyey 33 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada; 33 Xubnood ayaa u codeeyey Siyaasadda, ma jirto cid diiday ama cid ka aamustay.

4. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐇𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha faray in la soo akhriyo Xeer-Hoosaadkan, Doodda iyo Ansixintana waxa loo ballamay Todobaadka dambe, Idamka Allah.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝