Hargeysa (ANN)-ย  Fadhigii 50-Madaxeeynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahiย  (Cirro ) ayaa gudoomiyay Shirka golaha Waiirrada oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda ee Hargeysa.

Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland ooo ahaa Fadhigii 50-aad ee Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ugu mudan yihiin xaaladda amniga dalka ee xilligan iyo mawaadiic kale oo ahmiyad weyn u leh Qaranka.

Hase yeeshee waxa lagu hormaray mawduuca la xidhiidha xaaladda amniga dalka..

 

1. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, min bari ilaa galbeed, uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba.

2. ๐Œ๐ข๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐„๐ซ๐ž๐ฒ๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee istaraatijiayda Mudane Kamaal Axmed Cali (Kamaal Marjaan) ayaa Golaha warbixin waafi ah ka siiyey Barnaamijka โ€œMidaynta Ereyga iyo Astaamaha Qarankaโ€ oo ah dib-u-habayn ballaadhan oo uu Madaxweynuhu amray in lagu sameeyo nidaamka war-isgaadhsiinta (Communications) iyo Astaamaha Xukuumadda (Branding).

La-Taliyaha ayaa soo ban dhigay, dhamaystirka qeexidda Astaanta Qaranka iyo midaynta Astaamaha sumadda u noqonaya Hayโ€™adaha Xukuumadda, aasaaska waaxda war-isgaadhsiinta ee Hayโ€™adaha Xukuumadda, iyo dhammaystirka Technoolajiyada Xidhiidhka Xafiiska La-Taliyaha iyo Wasaaradaha. Waxa kale oo uu Golaha u soo bandhigay Rugta Kaydka Xogta shaqo ee Madaxweynaha, (Digital Library) oo hadda kaddib si rasmi ah looga heli doono xogta shaqo iyo waxqabadka ee Madaxweynaha, taasi oo ku qoran Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

3. ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐:

Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey ka doodayeen Siyaasadda Qaranka ee Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.

Siyaasaddan oo muhimmad weyn u leh Qaranka JSL ayaa dooddiisu soo dhammaatay, intaa kaddibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa Siyaasadda Maamulka Dhulka geliyay cod gacan taag ah. Golaha waxa fadhiyey 33 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada; 33 Xubnood ayaa u codeeyey Siyaasadda, ma jirto cid diiday ama cid ka aamustay.

4. ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ-๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐‰๐’๐‹.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha faray in la soo akhriyo Xeer-Hoosaadkan, Doodda iyo Ansixintana waxa loo ballamay Todobaadka dambe, Idamka Allah.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐