Araweelo News Network

Murrashax Muuse Biixi Oo Damaashaadka Taageerayaasha Burco Kala Qayb Galay

Hargeysa (ANN )- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bannaanbaxyo baaxad leh oo taageerada xisbiga KULMIYE ah ku muujiyey maalinta labaad ee ololaha doorashada xisbul-xaakimka oo laga sameeyey guud ahaan gobollada iyo degmooyinka waddanka oo dhan.

 


Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee 21 degmo doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo ay ku cabirayaan taageeradooda ay u hayaan xisbiga KULMIYE isugu soo baxay fagaarayaasha magaalo madaxda lixda gobol iyo degmooyinka ka jira dalka.
Burco


Bulsho-weynta ku dhaqan xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku muujisay taageerada laxaadka leh ee ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa maalinta labaad ee kaltanka ololaha madaxtinimada ee xibsiga KULMIYE, ayaa maanta si ballaadhan buux-dhaafiyey xarunta Khayriyadda ee magaaladaasi, iyaga oo lulaya astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana qaybo jidhkooda ah kusoo xardhay astaamaha uu xisbigani caanka ku yahay, waxaana isu soo baxyadan kala qaybgalay Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaaanno, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka iyo guddida oloolaha ee gobolka Togdheer.
Isu soo baxan oo si weyn looga dareemay guud ahaanba magaalada Burco, isla markaana ay taageerayaasha oo gaadiidkooda wataa socod dheer kusoo mareen waddooyinka kala duwan ee magaalada, ayaa isugu soo biyo shubtay xarunta Khayriyadda iyaga oo gelbinaya murrashax Muuse Biixi Cabdi oo fuushan faras shaaximan, waxaana sawaxan iyo mushxarad kusoo dhaweeyey kumanaan taageerayaal ah oo ku sugnaa Khayriyadda.


Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo haldoor magac iyo maamuus ku leh gobolka Togdheer oo hadallo u jeediyey shacab-weynaha reer Burco ee taageeda u muujiyey xisbiga KULMIYE, ayaa si isku mid ah u sheegay inay Burco tahay madal uu si gaar ah xisbiga KULMIYE ugu xisaabtamo, isla markaana laga saadaaliyo guusha KULMIYE, waxana ay u mahadnaqeen taageerayaasha sida xamaasadda leh u muujiyey kalsoonida ay KULMIYE Iyo hoggaankiisa ku qabaan.
Guddoomiyaha guddida ololaha gobolka Togdheer Md. Jaamac Xaaji Axmed oo ugu horrayn hadal kooban u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee reer Burco, ayaa tilmaamay in isu soo baxani marag u yahay sida bulshadu ula dhacsan tahay hoggaaminta KULMIYE, isla markaana ay shacabku weli harraad daran u qabaan inuu KULMIYE hoggaanka dalka mar kale kusoo laabto si uu u dhammasytiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira waxqabadka la mahadiyey ee uu muujiyey, “Waxaynu dooranaynaa mujaahid qiimo ku leh dalka iyo dadka, xisbi Xamar looga dabbaalgedayona codkeena siin mayno, waad ogaydeen in dorraad xisbiga WADDANI looga dabbaageldayey halkii aynu ku hoobanay oo Xamar ah, yeelinamayno inaynu Xamar ku noqono,” ayuu yidhi.

 


Xubno kale oo ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Mataan, wasiirrada wasaaradaha Hawlaha guud, Md. Xasan Cali Maxamed (Cali Marreexaan), Qorshaynta, Md. Maxamed Ibraahim Qabyo, Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiiru-dawlaha Caafimaadka Md. Maxamuud Jaamac Galaal, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan, Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale,haween iyo haldoor kale oo reer Togdheer oo halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan u bogaadiyey isu soo baxyada indhaha bulshada soo jiitay ee ay reer Burco ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana ay digniin u direen xisbiyada Mucaaridka ee u hollanaya inay talada dalka ku guulaystaan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshadu sawaxan ku soo dhaweysay, ayaa markii uu uu cod-baahiyaha holladay si mug leh ugu mahadceliyey shacabka reer Burco, waxaana uu shaaciyey inay Burco tahay Hooyadii KULMIYE, isla markaana xudduntii xisbiga tahay.
Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay inay xisbi ahaan faan u tahay wixii ay bulshada u qabteen muddadii ay talada dalka hayeen, isla markaana uu xisbigu ku joogo dariiqii u jeexay Madaxweyne Axmed Siilaany oo isagu ah bud-dhigaha xisbiga KULMIYE, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Xisbiga KULMIYE toddobadii sano ee uu dalka xukumayey wixii uu qabtay waanu ku faanaynaa umadduna way ogtahay, Axmed Siilaanyo-na halgankii uu qaranka usoo galay iyo waddadii uu jeexay kontankii sanadood ayaanu soo wadaynaa dhammaystirkeeda, waddadii uu jeexay aasaasaha KULMIYE la raacayaa oo la fulinayaa, wixii hawlo qabyo ahna waa la qabyo tirayaa, waxana ay maraynaa waddo aan la inaga leexinaynin.”
Hargeysa:


Gobolka Maroodi-jeex oo xisbiga KULMIYE si ka duwan maalintii koowaad ee ololaha u sameeyey ololihiisa maalinta labaad, ayaa taageerayaasha xisbigu ku dabbaaldegeen degmooyinka kala duwan ee ay ku dhaqan yihiin.
Shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, ayaa dadweynaha ku dhaqani bannaanbaxyo ay ku muujinayaan heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah ay ku soo bandhigeen fagaarayaasha iyo garoomada ku yaala degmo walba.


Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan KULMIYE, guddiga ololaha Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa kala qaybgalay shacabka degmooyinka Hargeysa ee isugu soo baxay fagaarayaasha kala duwan, kuwaas oo khubado kala duwan oo hambalyo, dhiirrigelin xog-warran siyaasadda xisbiga ah u jeediyey.
Boorama:
Fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa cuddudooda taageerada xisbiga KULMIYE ku muujiyey kumanaan qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee ku nool halkaasi.

 


Madax kala duwan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirro kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga KULMIYE oo uu ku jiro Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo madax kale, ayaa shacabka reer Boorama kala hadlay fagaaraha Khayriyada, waxaanay ku dhiirrigeliyeen inay sidaa u sii wadaan ololaha nadiifta ah ee aan wax xajiin ah lahayn ee ay caanka ku noqdeen reer KULMIYE, isla markaana ay maanka ku hayaan in maalinta codbixinta uu qof waliba ku hubsado codkiisa inuu siiyo murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Saylac:

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE ee jagadaasi mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ololaha xisbiga u jooga gobollada galbeedka Somaliland, ayaa maalinta labaad ee ololaha xisbiga ku gaalaa-bixiyey degmooyinka hoosyimaada Gobolka Salal.
Murrashax Cabdiraxmaan Saylici oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbiga, ayaa ololaha doorashada wejiga labaad ee kaltan KULMIYE ka bilaabay magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, halkaas oo uu u hoyday xalay. Intaa kadibna waxa uu socdaal ku maray deegaamo kala duwan oo ka mid ah gobolkaasi oo uu kala kulmay taageero ballaadhan oo ay ku qaabileen dadweynaha ku dhaqan.


Sidoo kale, degaammada kala duwan ee Gobollada Sanaag, Sool, Saraar, Buuhoodle, Oodweyne, Hawd, Saaxil iyo Gabiley ayaa shacabka ku kala dhaqani ay taageero indho daraaran ah ku soo bandhigeen fagaarayaasha ku kala yaal magaalooyinkooda, iyadoo masuuliyiin badan oo xisbiga KULMIYE ahi kala qaybgaleen, isla markaana uga jeediyeen khubado muhiim ah.