Qadarka Lacagta Loo Qaybiyay Iyo Qaabka Loo Xulay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in lacag loo qaybiyay qaar ka mdi ah dadkii hantidooda ku waayay suuqa Waaheen ee shuf-beelay 1 April 2022, kaddib markii uu qabsaday dab aan weli la shaacin sababta dhalisay.

Alt: Araweelo News Network.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo lacag guddoonsiinaya mid ka mid ah dadkii ugu ganacsiga yaraa suuqa gubtay ee Waaheeen 16 April 2022, qasriga Madaxtooyadda.

Munaasibad dadkaa lacagta loogu qaybiyay, oo lagu qabtay maanta qasriga Madaxtooyadda, waxa daaf-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaana goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka, xubnaha gollaha wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo guddida ganacstada Suuqa Waaheen.

Ujeeddadada munaasibada, ayaa lagu sheegay in ay ahayd hawlgalka Ballaadhan ee dib loogu xoolaynayo dadkii hantidoodu ku waayay suuqa Waaheen, sidaa awgeed waxa lagu iba-furay ganacsatadii danyarta ahayd, kuwaas oo tiro koob lagu sameeyey, sida ay sheegtay Madaxtooyadu, isla markaana ganacsigooda lagu qiimeeyay inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000 oo lacagta doollarka Maraykanka ah.

Alt: Araweelo News Network.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo lacag guddoonsiinaya mid ka mid ah dadkii ugu ganacsiga yaraa suuqa gubtay ee Waaheeen 16 April 2022, qasriga Madaxtooyadda.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa munaasibada ka sheegay inay kala huf iyo u dhabbo-gal dheer kaddib soo xuleen 988-kii qof ee  ugu haynta hooseeyay ganacsatadii ay hantidoodu ku gubatay suuqa Waaheen.

Jamaal Caydiid, ayaa xusay inuu Madaxweynahu ku taliyay in dadkaas danyarta ah muhiimadda koowaad la siiy, kuwaas oo hayntooda hore lagu qiimeeyay inta u dhaxaysa $73,5,000 (Saddex iyo toddobaatan doollar ilaa iyo shan kun oo doollar).

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay munaasibadda, ayaa guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay hawsha qaran ee loo igmaday u wadaan,, isagoo shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay guddida la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan wixii gurmad ah ee la ururinayo oo ay kusoo shubaan Akoonnada ay guddidu gacanta ku hayso,, wuxuuna ugu baaqay bulshada in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala tafaraaruq ah xilligan adag ee lagu jiro.

Madaxweyne Biixi, ayaa si cad u sheegay in guddida iyo xukuumadda oo is kaashanaya isla qaateen in wejiga koowaad ee qaadhaan qaybinta muhiimad gaar ah la siiyo ganacsatadii ugu jeebka yarayd suuqa Waaheen, iyada oo kuwooda qiimaha hantidoodu ka hoosaysay Boqolka Doollar la siinayo Shan Boqol oo Doollar.

,“Go’aankii aynnu isla qaadanay wuxuu ahaa dadka wixii hantidoodu shan kun ka yarayd waxoodii oo dhan aynu u celino, wixii Boqol Doollar ka yarna aynu Shan Boqol oo Doollar wada siinno, waayo waa lacag ummaddu soo ururisay, waxana waajib ah in horta kuwa liita laga daryeello, maantana taasaynu fulin doonaa”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Guud ahaan lacagta lagu qaybiyay munaasibadda waxay xukuumaddu ku sheegtay in cadadkeedu dhammaa $1,872,511 (Hal milyan siddeed Boqol, laba iyo toddobaatan kun, shan Boqol iyo kow iyo toban) Doollar, iyada oo 988-ka qof ee lasoo xulay 30-ka mid ah uu madaxweynuhu gacantiisa ku siiyay, halka inta soo hadhayna iyo guddoomiyaha Baanka dhexe madaxweynaha hortiisa  habka  Electarooniga ah ugu diray, sida ay sheegtay Madaxtooyadda Somaliland.

Munaasibadda, kama muuqan Maayarka Caasiamddu, balse waxa ku sugnaa oo hadalo boqaadin uu Madaxweynaha u jeediyay ka yidhi, Ku-xigeenka duqa Caasimadda Hargeysa, Khadar Axmed Cumar,, sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen oo Madaxweyne Biixi magcaabay iyo qaar ka mid ah dadka lacagta la gudiinsiiyay, ayaa madasha hadallo ka jeediyey.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com