toogashadaHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa dil toogasho ah ku fulisay qaybtii u horaysay ilaa lix qof maanta oo hore dilal ugu gaystay dad kala duwan Gobollada dalka, kuwaas oo dhammaan maxkamaduhu ugu xukumeen in la qisaaso,

Afartan qof oo isgu jira Rag iyo Dumar oo dhamantood xukuno dilal ah ku dhaceen, ayaa qaybtii u horaysay maanta la taagay tiirka, 6-da qof oo dhammaantood rag ahaa, waxay isugu jireen ciidan iyo shacab qaarkood jeelasha ku xidhnaayeen in ka badan toban sanno, ayaa qaybtii u horaysay maanta qisaastoodu ka dhacday degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, halkaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socotay saddexda ciidan Qaran, masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda iyo qoysaska dadka la toogtay iyo kuwii ay hore u dileen.
Xukunada qisaasta oo dhawr iyo tobankii sannadood ee u danbeeyay aan laga fulin Somaliland, ayaa dhowaan xukuumaddu sheegtay in la fulinayo, kaddib markii ay dilalka oo ku yaraa Somaliland ay soo bateen sannadii u danbeeyay, waxaana qalinka ku duugay in la fuliyo dilalka qisaasta ah Madaxweyne Siilaanyo oo awood Dastuuri ah u leh inuu saxeexo si loogu fuliyo xukunadda qisaasta ah. Marka la mariyo nidaamka iyo qaanuunka sharciga Somaliland.

Cabdi Cabdillaahi oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland, ayaa shaaciyay dilka qisaasta ah ee la mariyey qaybtii u horaysay oo ah Lix qof, kuwaas oo sida uu sheegay ahaa dad hore dilal u gaystay maxkamaduhu ku xukumeen in la dilo, isla markaana ehelada labada dhinac isku wada waafaqeen qisaastooda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey magacyada, Da’da, dadkii ay dileen iyo waqtiyadii ay gaysteen lixda Marxuum ee la qisaasay falalka dilka ah ee lagu qisaasay, waxayna kala ahaayeen sidan:-

Maxamed Daa’uud Axmed, ina Hibo Cilmi, 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse, Ina Caasha Maxamed, 25 jir ahaa oo si wadajir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.

Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 40 jir ahaa oo magaalada Hargeysa ku dilay marxuumiin la kala odhan jiray; Aadan Cabdi Mursal iyo Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd 26-07-2003-dii;

Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;

Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed, Ina Mulaaxo Cabdi, 28 jir ahaa oo tuulada Qoton-dabo ku dilay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmo-dheere), taariikhda 22-03-2015-ka.

Ex Dableh, Askari Ciidanka Qaranka ah Cabdirashiid Xasan Cumar, ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa, wuxuu ku dilay magaalada Hargeysa Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani, taariikhdu markay ahayd 07-08-2009.

Dhinaca kale waxa la filayaa in maalamaha soo socda tiirka la taago tirada kale ee xukunada qisaasta ah sugaya, iyadoo shacbiga Somaliland durba markii maqleen inay xukuumaddu fulisay xukuno qisaas ah dareen fiican kusoo dhoweeyeen, waxayna tallaabada xiligan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaaday noqotay mid ay dadku u arkaan inay meesha saaray dilalka muddooyinkan danbe kusoo baddanaya geyiga Somaliland, kuwaas oo la rumaysanyahay inay sababeen fulin la’aanta xukunada qisaasta ah ee xukuumaddihii u danbeeyay dhawr iyo tobankii sannadood ee u danbeeyay gamcaha ka laabteen, isla markaana gacan ku dhiiglayaashu ula baxeen xabsiga Albeerko. Kaddib markii Hay’addaha qaramada midoobay ee u oleleeya in la fuliyo xukunada dilka ah lacago u qoreen dadka geysta dilalka ee ku jira xabsiyada dalka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews