Hargeysa( ANN)-Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) , ayaa dhagax-dhigay goobo caafimaad oo degmooyinka duleedka Magaalada ah.

Maayarka Caasimadda  oo ay weheliyaan wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa saaka socdaal shaqo ku tagay deegaano ka tirsan, labada degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo ku-yaala, Koonfurta bari ee caasimada Hargeysa, goobahaa oo ka mida degmooyinka maamul ahaan sida dad-ban u hoos-yimaada Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.

Socdaalkan Maayarka iyo waftigiisu ku tageen deegaamadaa oo ka tirsan labada degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, ayaa kagu sheegay jeedada socdaalkooda ay ku tageen halkaa in ay ahayd kormeer iyo dhagax-dhig ay ku samaynaayeen, qaybo ka mida xarumaha caafimaad oo ay dhagax-dhigeen.

Maayar SOLTElCO,  wuxuu dhagax-dhigay laba xarumood oo caafimaad (laba MCH), kuwaas oo laga hirgalinayo Tuulada Axmed Buur iyo Tuulada Cali Aadan, oo ka mida degmada Sabanaag, iyo soo kale dayr balaadhan oo loo sameynayo Cusbitaalka degmada Bali-mataan oo ay isagana dhagax-dhigeen.

Dhinaca kale waftigan Maayarka caasimadda iyo weftiga uu hogaaminayay ayaa  kormee ku tagey , xarunta caafimaadka ee degmada Sabawanaag iyo xarunta caafimaadka ee tuulada qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag, oo ay dawlada Hoose ee Hargeysa ka fulisay dayactir iyo qalabayn dib loogu hawl-galinaayo.

Gaba-gabadii socdaalka Maayarka iyo xubnaha la socday, waxay  qiimayn iyo indho indhayn ay ku samayeen, xarun cusub oo goob caafimaad ah oo dhawaan ay si iskood ah u dhisteen bulshada ku dhaqan, deegaanka tuulada Bali Kaliil ee degmada Sabawanaag, taas oo dawlada hoose ay hada gacanta ku hayso sidii loo qalabayn lahaa ee loo dhaqaajin lahaa.