Hargeysa(ANN)-Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ku marayey gobollada bari ee dalka.

Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka Maroodi-jeex, xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo madaxdoodu oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, ayaa iyaga oo isku duuban madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay bariga kaantaroolka Halleeya, waxana halkaas hadallo mahadnaq ah uga jeediyey Madaxweynaha iyo xubno kamid ah dadka magaca ku leh bulshada reer Somaliland, ka hor intii weftiga loo gelbin dhinaca gudaha caasimadda Hargeysa oo ay tubnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo ujeellan aragtida madaxweynaha.

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ah ganacsatada reer Somaliland ee caanka ah oo ugu horrayn hadal kooban ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu si weyn u bogaadiyey safarka muddada qaatay ee uu madaxweynuhu ku tegay gobollada Bariga dalka oo uu xusay inuu dhaliyey natiijo guul u ah guud ahaanba shacabka reer Somaliland.

Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo madasha loo asteeyey inuu madaxweynuhu bulshada kala hadlo, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay bulsho weynta ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha.   Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Axmed iyo maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo goobta ka hadlay, ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka ku dhaqan caasimadda ee soo dhaweynta farxaddu ka muuqato ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa ku hambalyeeyey soo dhaweynta laxaadka leh ee ay madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo u qaabileen, waxana uu sharraxay socdaalkii dheeraa ee uu madaxweynuhu kusoo maray gobollada bariga dalka iyo sida uu bulshada u mideeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkii madaxweynuhu Lix gobol oo dalka kamid ah buu kusoo maray, nabadgelyo ayuu kusoo dhammaaday, Hargeysa-na daw bay u lahayd inay socdaalka soo dhammaaday si fiican usoo gebogabeeyaan oo waa caasimaddii xarunta dawladda, safarkii madaxweynuhuna waxa uu muujiyey inaynnu dad qudha nahay, mid qudha nahay, qaran qudhana nahay, ra’yi kasta oo aynnu kala qabnona inaynnu qaran qudha oo midaysan nahay buu muujiyey.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dheer oo mahadnaq iyo dardaaran isugu jira u jeediyey bulshada reer Hargeysa ee sida milgaha leh usoo dhaweysay, ayaa soo dhaweynta ku tilmaamay mid bulshada caasimaddu ku muujiyeen qarannimada, islamarkaana ugu mahadnaqayeen shacabka gobollada kale ee madaxweynaha iyo weftigiisa sida fiican usoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Waan idiinka mahadnaqayaa qaban-qaabada iyo soo dhaweynta aad soo gasheen oo muujinaysa qaran-nimada Somaliland iyo inaad gobolladii kale ugu mahadnaqdaan midnimada iyo shucuurta, maadaama oo aad Hooyadii dalka tihiin, waxana aad soo dhaweyseen sharaftii qaranka.”

Madaxweynuhu waxa uu si kooban u sharraxay safarkii uu ku tegay gobollada bari ee dalka iyo sida uu bulshada u mideeyey, cadowga Somaliland-na ugu noqday tummaatida, “Safarkaa aynnu galnay iyo midnimadaa Somaliland cadowgeedu ma uu filaynin inay Somaliland marka ay qaran-nimada tahay isku mid tahay, iyadu dhexdeeda ay ka dooddo, laakiin qaranka iyo hawlihiisa iyo dalka ay u midaysan tahay, taasina waxa ay kalliftay in dawladda Xamar muddadii aynnu wareegaynay ay toban goor hadlaan,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo amba-baxay magaalada Berbera, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxana uu madaxweynuhu u degay, isla markaana qaddar wada sheekaysi ah la qaatay, lana qaxweeyey, waayeelka iyo waxgaradka qaar kamid ah deegaannada uu saaka soo maray oo soo dhaweyntiisa waddooyinka u taagnaa.