Araweelo News Network


Hargeys(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL