Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo maanta kala qaybgalay dadweynaha Magaalada Salaada Ciidal-Fidriga, ayaa ka hadlay arrimaha nabadgelyada iyo dhibaatooyinka shilalka Baabuurta, Wadooyinka iyo dhibaatada qaadka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, Maayarka Caasimada, maamulka gobolka oo boqolaal ka mid ah dadweynaha, ayaa kula hadlay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa dadweynaha, wuxuuna Allah uga baryay Bulshada Somaliland in ciidka ciidkiisa ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

Madaxweynaha, ayaa markaa kadib ka hadlay dilalka kusoo badanaya Somaliland gaar ahaan deegaamada Bariga iyo dhibaatooyinka ay arrimahaasi ku yeelan karaan nabada ay Somaliland ku faanto, wuxuuna isagoo  arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaynu isku dardaaraymaa oo naftu u baahantahay waa nabada, waxa inagu batay dilalka, waxa waajib inagu ah in qofkii qof dila lasoo qabto oo la mariyo dariiqii Ilaahay inay inoo jeexay, waxaad moodaa in sidii Ilaahay ina faray loogu gurmanayn ee ay jirto qarin iyo in siyaabo kale loo gacan siinayo qofkii dilka geysatay, Allah ayaa inoo sheegay in qisaasta ay nolosheenu ku jirto. Sidaa awgeed qofkii qof islaam ah badheedh iyo kibir ku dila waa inaynu kusoo qabano gacan bir ah oo wixii Kitaabka Ilaahay soo dejiyay la mariyo.”

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Musue Bixii, wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka shilalka baabuurta ee sannad walba sababa boqolaal qof oo dhimasho iyo dhaawac ah iyo khasaraha  hanti malaayiin ah, wuxuuna Madaxweynaha oo ka hadlaya shilalka baabuurta ee kusoo badanaya Somaliland iyo khatarta arrintaa yidhi, “wax walba oo faa’ido leh waxay leeyihiin khasaare, dadka Baabuurtu inaga disho, inta ay dhaawacaan iyo hantida inagaga luntaa waa badantahay, iyadoo ciidamada nabadgelyada wadooyinku dedaal badan ayay ku jiraan, balse haddii aynaan arrintaa wax baddan ka qabsan oo aynaan isugu tegein waa naf-bax inagu socda.” Ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in loo baahanyahay qofka baabuurka wadaa inuu yahay qof masuul ah, sidoo kale Baabuurka xaaladiisa iyo xamuulka la saarayo  in lala socdo, wuxuuna  xiusay in dalku aanu haysan dhaqaale badan oo wadooyin lagu sameeyo, iyadoo wadooyinkuna ay cidhiidh yihiin, sidaa awgeed loo baahanyahay dadka gaadiidka la socdaa inay dhinaciooda Is ilaaliyaan oo mar in dareewalku xoog u socdo, ama taleefan uu ku mashuuqlo ay la socdaan, sababtoo ah boqolaal qof ayaa inagaga dhinta sannadkii ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi.

Arrinta saddexaad ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa ahayd mushkilada qaadka  oo uu sheegay in dhaqaale ahaan uu qaadku naafeeyay bulshadeena, isla markaana uu sababy inay ku mashquulaan dhalinyarada oo ah xoogga iyo cududa bulshadda, wuxuuna ugu baaqay bulshada inay wax lasoo baxaan ee aanay gacan ajaanib iyo Hay’addo dhaqaale kasoo ururiya Kaniisado waxba ka sugin,