Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shir muddooyinkii u danbeeyay la hadal hayay oo uu iclaamiyay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw),  oo ka mid madax-dhaqameedka ugu caansan Somaliland, kaas oo masuuliyiin ka tirsan ka muujiyeen dareen diidmo ah.

Hase yeeshe Madaxweynaha oo maanta daah-furay  Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dalka, ayaa jawaabo kooban ka bixiyay shirkaa iyo arrimo kale oo wax laga weydiiyay, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid u diidi karta inay dadku shiraan deegaan iyo laba deegaan dadka ku dhaqani, isla markaana aanay xukuumad ahaan belaayo ku ogayn shirarka inta badan ay sameeyaan madax-dhaqameedka Somaliland, balse waxa uu usoo jeediyay Boqor Cismaan iyo kuwa ku taageeraya shirkaa inay ka shaqeeyaan nabada deegaanka Ceel-afweyn.

Halkan ka daawo Madaxweynaha oo arrintaa iyo arrimo ka hadlaya.

Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Shirka Uu Baaqay Boqor Cismaan Buur-madaw Iyo Arrimo Kale