Hargeysa (ANN)- Madaxweyneha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa hada ka hadlay bulshada Boorama ee gobolka Awdal oo xiisad ka dhalatay go’aanka xukuumaddu soo saartayhabeen hore ee bandhiga Buugga Xeer Ciise oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo khasaare dhismayaasha Haya’ddaha dawladda.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu amar ku bixiyay in dhammaan ciidamadii laga saaray guddaha Magaalada, sidaa awgeed wuxuu Madaxweynuhu usoo jeediyay shacbiga inay is dejiyaan, isagoo ugu baaqay bulshada inay nabadgelyada ilaashadaan oo aannay dheggaysan wuxuu ugu yeedhay “waraxuma tashiil.”
Madaxdhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada iyo culimada ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii xaaladda loo dejin lahaa ee nabadgelyada loogu soo celin lajhaa, “waxaan ka xumahay wixii ka dhacay Boorama, waxaan ahayn Madaxweynihii aad codkiina siiseen, waxaan idiinka tacsiyaynayaa wixii khasaare dhimasho iyo dhaawac dhacay iyo danta guud , mana ay ahayn in tani ay dhacdo, waa inaynu ka shaqaynaa nabadgelyada iyo xasiloonida.” ayuu yidhi, Madaxweyne Cirro.
“Wixii dhacay waxay ahaayeen wax ka farxiyay cadawgeena, inagoo intan ka itaal yar, mana jirto cid xaqooda iyo deegaankooda xoog ku qaadan karta, aniguna cidna xaqooda ma duuudsinayo, ayuu yidhi.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wixii khilaaf ee jira miiska wadahadalka lagu dhammeeyo oo aan la qaadin tallaabooyin wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida gobolka iyo jamhuuriyadda Somaliland, isagoo sheegay in xukuumad ahaan ay guddi u saarayaan wixii dhacay oo sharciga la horgeynayo cidii yeelata denbiga.
Madaxweynaha oo ka hadlaya xaaladda halkan ka Daawo.


