Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka Coronavirus ee COVID-19, galay marxalad cusub guddaha dalka, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay Bulshadda inay muujiyaan feejignaan dheerad ah oo lagaga hor-taggo cuddurka, maadaama ay soo korodhay xaallad cusub.

Madaxweyne Muuse, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay xarunta wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland ee Hargeysa, isagoo carabka ku adkeeyay in xaaladda cusub ee soo korodhay loo diyaar garoobo, taas oo sida uu sheegay ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay maadaama ay caddaatay in cuddurka COVID-19, uu gaadhay heer loogu geeriyoodo gudaha dalka Somaliland, waxa la filaaba ay tahay in tirada uu asiibaa sii badato marka la qabyo tiro agabka baadhista Coronavirus ee COVID-19, kaas oo la filayo inuu dhowaan bilaabo shaqadiisa.

“Waxaynu haynaa dhimasho, waxaynu haynaa inuu xannuunkii ina dhex galay, waxa kale oo  dhakhaatiirtu ii sheegayeen qaacidada ah in haddii aad hesho qof uu cuddurku saameeyey, ay tahay in ay jiraan konton kale, sidaa awgeed loo baahanyahay inaad doonto, waana qaaciido , ilaa laba cisho gudahoodna waxa shaqaynaya baadhistii oo halkan lagu samayn doono, marka baadhistaas la bilaabona waan hubaa inay tiro badani soo baxayso oo ah inuu cudurkii inagu dhex jiro,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay xaaladda soo korodhay ee COVID-19.

Madaxweynuhu, wuxuu isagoo fariin muhiim oo ku waajahan xaaladda cusub ee cuddurka Coronavirus u diraya shacbiga yidhi, “Qof kasta oo I maqlayaa waa inuu maskaxdiisa sidii hore wax ka beddelo, waayo waxa ina soo galay col, aanad arkaynin oo hubkiisa aanad arkaynin, oo diyaaradaha wax garaaca iyo taangiga iyo qoriga iyo xabbaddaba ka kulul oo ka dheeraynaya oo ka saamayn badan, wuxuuna la mid yahay dabka ka kaca kaymaha ee markuu soo bilaabma wax walba jiidha.”

Wuxuu shacbiga ku adkeeyay in dedaalka ay xukuumaddu wadaa guulaysanayo oo keliya marka ay shacbigu dheggha u furaan, “Dawladdu waxa ay wax qabataa marka uu dadku maqlayo waxa loo sheego, kuna toosin kari mayso haddii uu dhakhtarkii ku yidhi, waxaas waad ku dhimanaysaaye ka joog, “oo aad tidhaahdo aan ku dhinto”, miyaanu la mid ahayn nin yidhi “maanta waan is deldelayaaye I daa”, markaa inaynu is waannino oo aynu maskaxda beddelno mooyaane xoog isku muquunin kari mayno.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo Bulshada ku cannaanaya sida aannay dheg jalaq ugu siin fariimaha loo dirayo iyo go’aamada xukuumaddu doonnay in lagaga hor-taggo khatarta cuddurka Coronavirus.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay qaadka ka imanayay dalka Ethiopia oo ay xukuumaddu joojisay, si bulshada looga ilaaliyo xannuunka oo xaaladdooda caafimaad loo sugo iyo waxyaabaha aannu filayn ee kasoo baxay ee sababay dhibaatooyinka ka dhashay, isagoo yidhi, “Waan filayay kootarabaan iyo dad iyagu qaadka eryada, laakiin maan filayn in boqolkiiba soddon (30%) bulshada ka mid ah ay mar qudha dhaqaaqaan, iyagoo leh, “ xaggee qaad yaallaa,” mid gaadhi leh iyo mid lug ahba, waana mushkilad kale oo innagu soo korodhay oo inaynu dadkeenna ka badbaadino ah,” ayuu yidhi, iyadoo ku adkyasiga go’aanka joojinta qaadka ee Madaxweynuhu ka hadlay in badan oo bulshada ka mid ah niyada u hagaajiyay.

Madaxweynuhu, wuxuu tilmaamay in maalmo qiima baddan u lahaa shacbiga Somaliland aan loo qaban doonin xus lagu soo ururo oo laysugu soo baxo sidii horre loo qaban jiray, wuxuuna ishaaray in maalmaha 18, May iyo 26 Jun oo xanbaarsan taariikh ahmiyad gaar ah u leh shacbiga Somaliland aan sannadkan sidii hore loogu soo bixi doonin, maadaama ay jirto xilligan khatarta cuddurka Coronavirus.

Waxa kale oo fariin gaar ah uu Madaxweyne Biixi u diray Culimada dalka, isagoo sheegay in dadka xannuunka laga helay ay ku jiraan Culimo Masjid Tafsiir ka marin jiray, tabliiqiyiin iyo geel jire, sidaa awgeed, waxaan leeyahay Culimada Diintana sideeda dadka halloo baro dadka, laakiin dadka caafimaadkoodii idinku masuul kama tihidin ee dhakhaatiirta ayaa ka masuul ah oo aynnu dhegaysanaynaa, wixii la xidhiidha arrimaha caafimaadka uu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay kiiskii u horeeyay ee qof u dhinta  caabuqa Coronavirus, iyadoo dhinaca kale shaacisay in ay kordhay tirada ilaa xilligan si dhab ah loo shaaciyay, walaw aannu jirin baadhitaan ku waajahan Fayriska COVID-19 ee gudaha Somaliland.

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Badde oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor-tagga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19, oo 2 May 2020, warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, wuxuuna xilligaa sheegay in kiiskii u horreeyay gudaha dalka Somaliland ee u dhinta Coronavirus uu ka dhacaay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, qofkaa oo ay wasaarad ahaan la socdeen xaaladdiisa, ka hor intii aanu u geeriyoon xannuunka Coronavirus ee COVID-19.

AKHRI: Dhimashada Qofkii U Horreeyay Ee Coronavirus, Tirada Korodhay Ee Kiisaska Cusub Iyo Digniin Ku Waajahan Bulshada Somaliland Ee COVID-19