Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Aaska  wadareed qaran oo loo sameeyey Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) oo lagu Aasay Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  oo qoysaskii, qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Saddex Marxuum oo kala ah  Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) iyo Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo isagu ku dhintay dalka dibediisa balse aan weli dalka la keenin ayaa mid walba ka sheekeeyey Taariikhdii iyo halgankii ay ku lahaayeen Qaranka Somaliland.

Alt, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan masuuliyiin tiro badan ayaa aaska ka raacay guriga Marxuumka waxaanu warbaahintii ku sugnayd goobta xabaasha kula hadlay, isagoo yidhi “Waxaynu joognaa maanta Geerida iyo Aaska laba Marxuum oo dalkan iyo dadkanba wax badan usoo qabtay Alle haw naxariisto ka hore waa Cumar Carte Qaalib qof walba oo Af-soomaali ku hadlaa wuu garanayaa Dawladdo badan iyo aqoonyahan badan oo Caalamka kamida, dad badan oo uu wax baray ayaa dalkan wax badan taray oo  magac ku yeeshay , February 1960kii markii doorashada la helay ee la geli doono shirkii isku darka wuxuu ahaa Aqoonyahankii ku taliyey waar dib halloo dhigo raacsanaa ee labada Xisbi u kala dab qaaday, markii uu shaqeeyey ee uu  Magaalada Hargeysa ka ahaa Dhiisayga (Badhasaab) wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee  Dibjir guryo loo sameeyo ee sekeda la yidhaahdo Dibjir Band sameeyey, Markii uu Moosko loo magacaabay ee uu Xoghayaha ka ahaa Safaaraddii uu Qeybe ka ahaa Safiirka wuxuu ahaa  dadkii diyaariyey Daraafkii uu Cabdirashiid doonayey in ciidamada ay nasiiyaan, kolkii danbena uu safiirkii  Addis ababa inta badan ku raagay”.

“Cumar Carte Taariikh la yaab leh buu sameeyey oo siyaasada ah, wuxuu Taariikhda ku gelayaa Cumar Carte markii Siyaad Barre ka leexday majarihii Dawladd ee Soomaali wax u tarayey  wuxuu hormuud ka ahaa isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor raggii yidhi waar joog waad qaldan tahay ee dalka tan ka daa, Ismaaciil Cali Abokorna wuxuu ahaa ninkii gudaha u hanuuniyey ee todobada Sannadood u hayey wasaaradda warfaafinta iyo Iclaanka ee dhammaan dadka maskaxdooda Kacaanka u hanuuniyey iyagoo markaa iyagu niyad Saafiya la wada, habeen buu ciidan koofiyad cas ah ku fayliyey labadoodiiba todoba sanno oo Labaatan jirow ah buu geliyey labadoodiiba, markii uu Hargeysa uu garaacay ee gurigii Cumar Carte iyo ka ku xiga ee uu lahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ka ku xiga ahaa Xasan Bakayr Saddexdaba uu dhulka la simay ayuu labadoodaba dil ku xukumay, iyagoo labadooda oo keliyi Silsilada ku xidhan, todoba wasiir baa lala xidhay shantii kale lama keenin Maxkamada labadooda iyo aqoonyahan 17 ah oo ay isku qolo yihiin baa la keenay ina Dusaa kamida oo nool  waxaa kamida Eng Saleebaan Nuux”.

Alt, Araweelo News Network.

“Markii Hargeysa la dumiyey ee dagaalkii adkaaday ee Gaal iyo Islaama arkay Hargeysa waxa ku dhacaya ayaa laga sii daayey, dadbaa yidhaahda wuu saamaxay muu saamixin ee taagg baa loo sheegtay dedaal iyo dhiig baa lagu sii daayey isaga iyo ragga kaleba, markii la sii daayey Cumar Carte 100-kii nin ee manafeestada ahaa baa u ergo tegay waxaa la yidhi maanta Soomaliyi kaama maarantee noqo Ra’isal Wasaare arrin qadhaadh bay ahayd nin qoyskiisii la laayey oo gurigiisii dhulka lala simay oo dadkiisii qaxoonti loo diray, inta maanta halkaa iyo Xamar ka wada hadlaysa ayaa boqol ergay ugu tageen oo Cumarow maanta taariikhdaadii nagu gunto lagu yidhi, Ra’isal Wasaarihii buu noqday waa la dhegaysan waayey, maxay dawladdaasi u duntay oo Cumar loo dhegaysan waayey?”.

Alt, Araweelo News Network.

“Cumar markii ciidamadii Jabhaduhu dalka soo galeen wuu taliyey si xasuuqu u yaraado si dhimashadu u yaraato wuxuu yidhi ciidamadda Jabhadaha ah ee soo galay Somaliland  SNM hubka haloo dhiibo SSDF haloo dhiibo inta kalena Caydiid hubka haloo dhiibo oo hubka shicibku gacanta ku hayo halagu wareejiyo Jabhadahaa maxaa ka dhacay? Maantay qoloda qoonfureed ku qoraan khaayin buu ahaa oo isagaa dalka dumiyey, muu ahayn khaayin, wuxuu daydayaayey inay dhimashadu yaraato laba kun (2,000) oo hubaysan  oo Koonfur ah ayaa inta uu janankii la odhan jiray Caare yimi Burco laga kaxeeyey oo Xasan Kayd iyo Maxamed Kaahin farta ka saareen taariikhda in la qaldo maaha.

 

“Maxaa Cumar Carte dil loogu xukumay?  SNM baad samaynaysaa baa lagu dilaayey  isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor, waa kii 1997-kii inoo yimi ee ka shaqaynayey nabada ee shirkii danbena joogay ee lagu dhisaayey Somaliland ilaa uu Cigaal ahaa ninkii shirkaa kasoo baxay, horta Cumar waa ninka taariikhdaa iyo mid ka badan leh, maanta Xamar waxa ka socota  waxaad moodaa sawirkii in sawirkii Ismaaciil Cali  Abokor, Cumar Carte iyo Silaanyo lahaayeen waar ka daa, maanta ninka Guurtida xukuma ee la yidhaahdo Cabdi Xaashi iyo dawladda Xamar ka dhisan waa Sawirka,Sawirkiisii  baa maantana Xamar ka taagan waxaa se nacasnimo haysaa kuwo u tegay ee leh Xamar hanalagu doorto, Cumar Carte  Alle haw naxariisto”.

 

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ka hadlay aaska Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle iyo Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxaanu yidhi “Suldaan Maxamed waa la mid 10-sanno oo Xabsi ah buu dhameeyey oo Siyaad Barre ku xukumay markii uu kasoo baxayna halkii uu hubka qaatay isagoo da’adaas ah ilaa maalintaana muu dhigin dalka halgankiisa, waxaa kale oo aan isna u ducaynaynaa oo Turkiga ku dhintay shalay Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo kamid ahaa qoladii UFFO  oo kamid ahaa raggii Xabsigaa dheer lagu xukumay, Ilaahay baa isku beegay Xabaashooda Suldaaan, Maxamed Maxamuud Xandulle, Cumar Carte Qaalib iyo Dr. Aadan Yusuf Abokor, Saddexdoodaba Alle haw naxariisto danbigooda Alle ha dhaafo wixii Muslina ee ka horeeyey Alle haw dhaafo innagana Alle haynooga daba naxariisto  ehelkoodii, qoysaskoodii iyo Qarankaba dhammaantoodba Ilaahay Samir iyo iimaan haynaga siiyo, kuwo kheyr qaba oo halkoodii gala Alle haynoo abuuro”.

 

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq dheer u diray dhalinyarada maanta ee reer Somaliland waxaanu yidhi “Dhalinyarada inta i maqalysa waxaan leeyahay raggaasi noloshoodii Somaliland bay u hureen waxaanay u dhinteen halgankii Caafimaad daradii kasoo gaadhay dhammaantiin waxaa laydinka rabbaa dabkii ay shideen inaad qaadaan oo Somaliland halkaa ka dhistaan”.