Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray kulliyadda tababarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne oo ay ciidamada qalabka sidaa siyaabo kala duwan ugu soo bandhigeen cududdooda ciidan iyo saanadda ciidan ee ay haystaan.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan  taliyayaasha ciidamada Militeriga, Asluubta iyo Booliska, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo madaxda gobolka Maroodi-jeex,  ayaa kormeerkiisa, kusoo indho-indheeyey tabobarrada kala duwan ee ka socda kulliyada ciidamada ee Cabdilaahi  Askar oo ay ku jiraan Dufcaddii labaad ee carbinta shaqo-qaran iyo Saraakiil kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ciidanka, waxana halkaas lagu soo bandhigay Gaadiid gaashaaman oo ay taangiyo ku jiraan, kuwaas oo ay leeyihiin ciidamada militerigu iyo gawaadhi cusub oo ay leeyihiin ciidanka Boolisku.

Ugu horrayn macallimiinta iyo madaxda kala duwan ee kulliyadda Cabdilaahi Askar, ayaa halkaas madaxweynaha kusoo dhaweeyey, waxana uu madaxweynuhu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka qaranka oo madasha diyaar ku ahaa, isaga oo kormeer kusoo sameeyey Gaadiid gaashaaman oo Tigniko iyo Taangiyo isugu jira oo ay goobta kusoo bandhigeen guuto ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay inay ka taliye ahaan ka go’an tahay horumarinta iyo dhisidda ciidanka Booliska oo kamid ah dhidibada waaweyn ee amniga qaranku ku taagan yahay, waxana uu yidhi,“Madaxweyne Ciidanka Boolisku waxa ay  u diyaar garoobayaan inaannu isbeddel weyn samayno oo aanu soo saarno arday yaryar oo saraakiil ah, gaadiid badan oo taladaadii iyo maskaxdaadiina ay diyaar garoobeen, iyada oo ciidanka qaranku maanta naga caawiyo wax badan oo arrimaha gudaha ahna, insha Allah sannadka soo socda waxannu u diyaar garoobi doonnaa inuu ciidanka Boolisku uu ta gudaha ka adkaado aannu ciidanka Birmad ah oo adag aanu dhisno oo ciidanka Militiriga caawiya.”

Taliyaha ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa isaguna dhinaciisa madaxweynaha ku ammaanay sida uu ugu hagar baxay dhismaha ciidanka qaranka iyo mudnaanta uu siiyey, isaga oo sababta dhoolla-tuska kala duwan ay ciidamadu usoo bandhigayaanna tahay inay shacabka munaasibadda 18-ka ku indho-doogsada aragtida ciidanka ka farxiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “Mudane Madaxweyne adigaa ku mahadsan oo muddadii aad xilka haysay wax badan baad ciidamada gelisay, anigu ciidanka qaranka, ayaan ogahay oo wax badan baad gelisay, madaxweyne kasta oo soo marayba  meel buu gaadhsiinayey, laakiin maanta aad buu u dhaqaaqay ciidanka qaranku, nolosha wax dhimani way iska jiraan, waxaasina waxa ay ku xidhan yihiin dhaqaalaheenna marba wixii la helo, laakiin waxan markhaati ka ahay inaan waxba nalaga hagran. Madaxweyne dadku aad bay u jeclaan jireen markay  18-ka May tahay inay ciidamada arkaan, maadaama oo ay tii suurtoobi weydayna waxanu isku daynay inaanu dadka ka farxinno oo aannu isku dayno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidamada kala duwan ee qalabka sida, gaar ahaan kuwa goobta kusoo bandhigay cududdooda iyo agabkooda ciidan, ardayda ku jirta Carbiska shaqo qaranka iyo weliba saraakiisha kala duwan ee halkaas lagu tabobaro.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu sharraxay ujeeddada booqashada uu ku tegay xarunta tabobarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar, “Maanta waxa aan halkan u imi, maaddaama oo xanuunka jira ee COVID-19 dartii aynaan u samayn Karin dhoolla-tus ciidan oo ciidamada mid waliba halkiisa ku negaaday, waxannu door bidnay inaanu u nimaadno inay halkan joogaan ardaydii ku habboonayd inay metelaan ciidamada ee soo koroysay, haddii ay yihiin layli sarkaal iyo shaqo qaranba, iyo guuto kamid ah  guutooyinka ciidanka oo qolada Taangiisteyaasha iyo Tignikadu ugu horreeyaan oo ahaa kuwii u diyaar garoobayey inay maraan sannadkan suuqyada magaalada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  waxa uu in waxyaabaha lagu barto kulliyadaha kala duwan ee ciidanka ay kamid yihiin sahaminta iyo hilaadinta maalmo ka wanaagsan kuwa haatan lagu jiro, iyada oo aan marnaba maanka laga saaraynin wixii shalay lasoo maray,  waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxa lagu bartaa higsiga Berrito Somaliland tan maanta ka wanaagsan, iyada oo aan la ilaaweynin wixii shalay dhacay, haddaad raadiso uun berrito oo wacan oo waxyaabaha qaarkood aad laacdo adiga oo illaawey wixii shalay kusoo maray iyo wixii dhacay, khalad baad gelaysaa, markaa waxa  lagu tabobaraa halkan qofku inuu horumarka  noloshana higsado, islamarkaana uu ogyahay wixii shalay dhacay oo uu labada isku xidho, markaas ayuu noqon karaa, sarkaal, Askari iyo muwaaddin dalkiisa iyo dadkiisa anfaca oo wax walba u qabta.”