Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shuriuudaha dawladda Boqortooyadda Sucuudigu ku xidhay moosinka dhoofka xoolaha ee Xajka, wuxuuna si cad u sheegay in aanay Somaliland marnaba aqbalayn shuruudaha noocaa ah.

Madaxweynaha oo daba socda shuruudaha dawladda Boqortooyada Sucuudigu ku sheegtay in aanay dalkeeda soo geli karin xoolaha moosinka Xajka haddii aanay warqada Caafimaadka kasoo qaadan dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee Madaxweyne Muuse Bixii oo xalay ka hadlayay xuska loo sameeyay munaasibada 59-guuradii kasoo wareegtay markii ay Somailand xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Briatin iyo Northern Ireland 26 Jun 1960, wuxuuna isagoo arrintaa xoolaha ka hadlaya yidhi, “Dawladda Sucuudiga oo aannu in baddan la hadalnay oo Waraaqo u qornay, waxay soo dirtay warqad ay leedahay Xoolaha Berbera ka dhoofaya waxa looga fasax qaadayaa Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa idiin talisa dawladda Xamar ee soo mara, waxan idiin sheegaya  inay habeen hore ii yimaaden ganacsartadii Xoolaha saddexdii Maxjar oo wada socda, waxayna ii sheegeen wax kasta oo dhaca in aanay aqbalayn inay warqad Xamar laga soo qoray Xoolaha kaga dhoofin Berbera, waana ku hanbalyaynayaa go’aankaa ay qaateen waana soo dhowaynyaa, way adagtahay Nin ganacsade ah oo macaash intaa leeg arkayaa inuu go’aankaa qaato, waa inay ganacsatadu sidaa ugu daydaan oo taageeraan qaranimada” ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay arrinta Xoolaha iyo shuruucda uu Sucuudigu kusoo rogay Xoolaha Somaliland ee Berbera laga dhoofiyo.

Shuruuda Boqortooyada Sucuudigu ku xidhay xoolihii ay Somaliland u dhoofin jirtay,  oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah, in sannadkan Dawladda Sucuudiga kusoo rogtay xoolaha dalkeeda la geynayo wakhtiga Moosinka Xajka ay haystaan Warqad Caafimaad oo ay bixisay Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana arrintan ka hadlay maalmihii lasoo dhaafay Wasiirka Wasaarrada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Dr. Xasan Cali Maxamed (Gaafaadhi) oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisu, ayaa sheegay  in go’aanka dawladda Sucuudiga aanay aqbalayn.

 “Waxaan u sheegaynaa cid kasta in Xoolo ka dhoofinay Dekeddaha Somaliland oo sita Warqad laga sameeyey Soomaaliya aanay jiri doonin” ayuu yidhi Wasiir Gaafaadhi, wuxuuna intaa ku daray “Xoolaheenu sidii ay u dhoofi jireen ee aanu sharciga ku siin jirnay ayey u dhoofayaan amma Xoolaheena waynu haysanaynaa..” ayuu yidhi, Wasiirka oo si adag u sheegay in aanay Somaliland qaranimaddeeda ku iibsanayn Xoolaha Sucuudigu ka iibsanayo haddii aan nidaamkii hore la raacin oo ay wax ka bedelaan.

Dhinaca kale Somaliland, ayaa xilliga mooshinka Xajka sannad walba u dhoofisa Dalka Sucuudiga xoolo gaadhaya ugu yaraan 3milyan oo nee foo adhi ah, walaw sannadkii u danbeeyay tirada xoolaha loo dhoofiyay xajka ay ka yaraayeen kuwii sannadii hore loo dhoofin jiray xilliga Xajka oo keliya.

Xukuumadda Somaliland, ayaa hore u sheegtay inay ka mid tahay xulufada Sucuudiga ee kasoo horjeeda xiisada dalka Qadar iyo sidoo kale khilaafka sii xoogaystay ee u dhexeeya Iran, iyadoo aan waxba kaga bedelin Sucuudiga, balse dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo aan awood badan lahayn ayaa diiday inay qayb ka noqoto xulufadaa, iyadoo sheegatay inay dhexdhexaad ka tahay xiisadahaa.