Published On: Sun, May 26th, 2019

Somaliland: Madaxweynaha Oo Soo Xidhay Wejiga Koowaad Ee Barnaamijka Shaqo Qaran

Smiley face

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May  2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamijka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May  2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed  Xuseen Cismaan (Mu’addinka),  oo madasha hadal ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta barnaamijka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay tallaabadasaasi tahay mid hirgashay, guul wax ku ool ahna laga gaadhay, taasoo tusaale fiican u ah in horumar kasta oo gacmaha la isu qabsado laga midho dhalinkaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May  2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Waxa uu sidoo kale  ku dheeraaday Agaasimuhu guulaha uu barnaamujkani gaadhay iyo faa’iidooyinka uu u keenay bulshada reer Somaliland iyo da’yarta carbiska ku jirteyba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in muddadii barnaamujka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyinkii la higsanayey oo ay ugu mudnaayeen is-dhexgalka, isu kal-samaanta iyo is-weheshiga dhallinyarada Somaliland, waxa bislaaday ilaa heer wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale, bulshadeed iyo Juquraafiga dalka Somaliland, waxana abuurmay dareen waddaniyadeed iyo mid sharci, waxana dhismay garaadkii iyo caafimaadkii jidh ahaaneed ee dhallinyada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May  2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo  Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamijka shaqo qaran, ayaa  si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana  ay tilmaameen inuu barnaamijkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo  dawladnimadeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May  2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar           If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in baraanijka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda horumariyaan,

“Waxa aan cod dheer cid walba ugu  sheegayaa inay Barnaamijka shaqo qaran  maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.

Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamijka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa  9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood, iyada oo in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) kamid ah dhallinyaradan oo hablo iyo wiilal isugu jirtaa ay si iskood ah u doorteen inay ku biiraan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo xidhay Barnaamijka shaqo qaran 26 May 2019.
madaxweynaha somaliland Muuse Biixi oo qaabilay arday ku guulaysatay tartanka quraanka ee Djibouti

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi shahaado sharaf guddoonsiiyey agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, taas oo ka markhaati ah sida xilkasnimada leh ee uu uga midho dhaliyey barnaamujka shaqo qaran ee loo xilsaaray oo kamid ah himilooyinka waaweyn ee madaxweynaha qaranka.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp