Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray kulliyadda tabobarka macallimiinta oo laga hirgeliyey duleedka caasimadda Hargeysa.

 Munaasibad ballaadhan oo uu madaxweynuhu xadhigga kaga jaray kulliyadda cusub ee tabobarka macallimiinta, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, saraakiil ka socda midowga Yurub, ku dhawaad Afar boqol oo macallin oo kulliyada wax ka baran doona iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya qiimaha ay leedahay in lagu tabco barayaal tabobar sare qaba oo soo saari kara da’yar cilmi  huwan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in qaranku u baahan yahay inuu yeesho kulliyad lagu tabobaro barayaasha da’yarta soo socota, wax barta, taasina ay kor u qaadayso tayada waxbarashada dalka.

 macallimiinta kulliyada lagu xereynayo oo munaasibada joogay.
macallimiinta kulliyada lagu xereynayo oo munaasibada joogay
Hargeysa: Muuqaalka Dhismaha Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Somaliland 6 February 2019, by Araweelo News Netork
Hargeysa Muuqaalka Dhismaha Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Somaliland 6 February 2019, by Araweelo News Netork

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay xukuumadda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda iyo heerka waxbarasho ee barayaasha gacanta ku haya  da’yarta dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu  sheegay inaan marnaba lagu horumari Karin ku tiirsanaanta caawinta shisheeyaha, tayada tacliintuna ay ku hagaagi karta isku-duubnida iyo wada-jirka bulshada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan qabaa waxbarashadu kuma timaaddo dawaro iyo inay cidi iskuulladaada kuu dhisto iyo inay cidi kaa taageerto ardaydaada wax bariddeeda, qaran walibana wuu karaa inuu dadkiisa wax baro oo uu tacliintiisa hagaajiyo marka uu u midoobo horumarkiisa oo uu hantidiisa u huro.

Wa-bilaahi Tawfiiq
— Naasir Yuusuf Daahir Director of the Presidential Media Department Hargeisa – Republic of Somaliland