Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).


Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay kulankaa kadib Madaxtooyadda Somaliland, waxana kulankaa lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). 23rd December 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). 23rd December 2019.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, waxay kaga hadleen kulankaa sida lagu xisay qoraalka dhawr qpdob, kuwaas oo ay ugu mudnaayeen arrimahan:-

Ø In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

Ø In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ø In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii Odayaasha ee arrimaha doorashada.

Gebagebadii waxa lagu xusay qoraal saxaafadeedka in Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku isla garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono, ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, isla markaana uu warbaahinta u qaybiyay Naasir Yuusuf Daahir oo ah Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaca kale, kulanka Madaxweynaha iyo labada Xisbi Mucaarad, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay si ka fool-ka-fool ah u yeeshaan tan markii uu bilaabmay khilaafka siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo labada Xisbi Mucaarad, kaas oo ka dhashay murankii ka taagnaa Komishanka Doorashooyinka ee xulistooda laysku khilaafay, isla markana ay sii kicisay muddo kordhinta ay golaha guurtidu u sameeyeen golaha Wakiiladda Somaliland Nov 24th, 2019.

AKHRi: “Dhalinayaradeenii Xamar ayay ku Dewersadaan intay gashadaan Calankii Soomaaliya ee ina garaacay ” Eng. Faysal Cali Waraabe
Muddo-kordhintaa oo ahayd laba sannaood oo golaha guurtidu u sameeyeen markii lixaad golaha wakiillada Somaliland , isla markaana muddadooda guurti ahaan isu kordhiyeen muddo saddex sannadood ah, taas oo si weyn mucaaradku uga qayliyeen, isla markaana sababtay in khilaafka ay soo galaan Koox Odayaal, Culimo iyo ganacsato ah, kadibna soo saareen saddex qodob oo xaalada dejiyay, balse markaa ka hor Madaxweyne Biixi 14 Desember, 2019, oo gogol u fidiyay labada Xisbi Maucaarad ay ku gacan saydheen, kuwaas oo ugu danbayntii sheegay inay aqbaleen 21, Dec, 2019.

AKHRI: Muddo Kordhinta Markii Lixaad Guurtidu Ku Duugtay Iyo Dhawaaqa Mucaaradka Somaliland