Araweelo News Network

#Somaliland Madaxweyne Biixi Iyo Masuuliyiinta Djibouti Oo Sheegay In Xaduudka Labada Dal Laysu Furay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shan maalmood qaatay ku tegey dalka Djibouti 23 December, ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah kasoo galay xadka ay Somaliland la wadaagto Djibouti ee dhinaca galbeedka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Biyaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ee dalka Djibouti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomali) iyo Taliyaha Ciidanka Djibouti, ayaa dadweynaha Lawyacado kusoo dhoweeyeen halkaa.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in mudadii uu dalka Djibouti ku maqnaa lasoo mariyay dalka oo dhan, isla markaana ay kulamadii ay wada yeesheen Madaxweynaha dalka Djibouti iyo madaxda kale ee dalka wax badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dal isla soo qaadeen, walaw aannu Maadxweyne Biixi faah-faahin waxyaabahaa.

Hase yeeshee Madaxweynuhu , wuxuu ugu bushaareeyay dadka in xadka labada dal ee Somaliland iyo Djibouti oo sababo dhanka amniga ah u xidhaan muddo ku dhow lix sanadood la furay oo lagu soo celiyay sidii hore, isla markaana wuxuu ku bushaareeyay in labada dhinaca wanaaga iyo wax wada qabsiga isku kaashanayaan, maadaama ay yihiin laba dal oo iksu mid ah.

.Taliyayaasha Ciidamada Somaliland, wasiiro ka tirsan xukuumadda,iyo maamulka gobolka Selel, ayaa ku qaabilay Madaxweynaha iyo wefdiga la socda ee dalka Djibouti xadka Somaliland ee Lawyacado.

Madaxweyne Biixi Wasiirka Biyaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ee dalka Djibouti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomali) , ayaa isna dhankiisa sheegay in ay labada dal samaynayaan iskaashi, isagoo Taliyaha Ciidanka Djibouti  ka sheegay halkaa in saacadaa laga bilaabo xadku furanyahay dhankooda oo ay gaadiidku geli karaan.

Basle , wuxuu Taliyaha Ciidanka Djibouti sheegay in sharciga la marayo oo mudada ay gaadiidku joogaan Djibouti ay qaadanayaan sharciga gelitaanka, isla markaana marka ay hawshooda dhamaystaan iska soo baxayaan.

 

 

Madaxweyne Biixi, waxa safarkaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxayna 23 December ka dhoofeen dhabaha diyaaraddaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa.