Muxuu Qabanayaa Xafiisku?

Arawaerlo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Janhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daahfuray xafiis voodoo ka dhex abuutay bulshada.

Alt: Araweelo News
Madaxweynaha Somaliland Musue Biixi oo xadhiga ka jaraya xafiiska cusub ee Tacadiyada haweenka oo ku cusub Somaliland, 5 March 2022, Hargeysa.

Xafiiska, waxa maalgelinaya Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha haweenka, waxaana hormood u ah  Dallada Nagaad Network, iyadoo lagu magcaanay “Xafiiska la socodka Tacadiyada  ka dhanka ah Haweenka.”

Madaxweyne Biixi ayaa u mahadnaqay dadkii kasoo qeyb-galay madasha ayaa yidhi “Xafiiska la socodka Tacadiyada  ka dhanka ah Haweenka aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa aad aayan ugu faraxsanahay inaan goob-joog ka noqdo furitaanka Xafiiska oo aan maanta joogo”. Sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xafiiska loogu walqalay.

Alt: Araweelo News
Madaxweyne Biixi oo gabadh yar u gelinayso Ubax, ka hor intii aannu xadhiga ka jirin xafiiska Tacadiyada haweenka ee laga furay Hareysa 5 March 2022.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa  hadalkiisa ku sheegay in Tacadiga dumarku uu muddo soo socday, isagoo yidhi, “Arrintan aynu maanta u joogno ee Tacadiga Dumarku muddo laga joogo Soddon sannadood ah oo ay Somaliland jirtay way soo taagnayd kolba heer ay soo martaba, layskuma diidana, weli  meel laysugu yimi oo aan la odhan arrintaa wax halaga qabto maan arag, cidda shir gacan ka taagtay oo tidhi arrintaa xagee loo waddaana maan arag haddii laga maarmi waayo beri baan annigu ka dooday, shir baa lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta hoolkeeda berigaa Waran Cadde ayaa ka wasiir ahaa, hablo badan oo imika qaar halkan joogaan iyo qaar maqanba ayaa kor u qaaday Dumarka waa laga gar daran yahay, waxaan ku idhi waayahaye horta Tacadiga iyo Dumarka xorriyadooda hala siiyo maysla afgaranaa ileen haddii aan Kelmadii laysla af-garanayn murran uun baa taagnaanaya, Tacadiga Dumarka ee dhibaatooyinka leh ee Caafimaadka khuseeya ee Maskaxiyan mooralka khuseeya ee aynaan hore u aqoon Soddonkankii sanno ee u danbeeyey mooyee waynu ka midaysanahay inaynu ka dagaalano”ayuu yidhi. 

Hase yeeshee wuxuu Madaxweyne Biixi sheegay in loo nisbayn karo dhibaatooyinka abaaraha Tacadiga Haweenka, siagoo yidhi, “qofna waxaa dhacaya ee ku dhacaya qofka Islaamka ah ee muwaadinka ah ee Caarka ah malaa waa laynagu roggi, waxan abaaruhu inoogu badan yihiin bay ka mid tahay”.

Xukuumad ahaan wuxuu sheegay in ay hawsha wadayaan, isla markaana dadka la wacyi gelinayo oo labada golle sharciga yaalla iyo Culimadda kasoo horjeeda qeyb ee aadka ugu dhegan iyo kuwa meel dhexe ka taagan loo baahanyahay in su’aashaa meel laysla dhigo, “waynu isla ogolnahay diintuna waa diidan tahay side baynu qofkan u ciqaabnaa?.

Furitaanka xafiiska cusub ee loo bixiyay ” Xafiiska la socodka Tacadiyada  ka dhanka ah Haweenka” ayaa ku cusub Somaliland, waxaana ka dhashay su’aalo ay Bilshaddu iska weydiinayaan, iyadoo aan si dhab ah loo qeexin qaabka shaqadiisu noqonay iyo sidoo kale doorka uu ku yeelanayo arrimaha la xidhiidha dhaqanka iyo diinta ee caqiidada Bulshadda Somailand ee Muslinka ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com