Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa fariimo si weyn dad badan u xagganayay quluubtooda oo ah su’aalo ay is weydiiyaan marka laga hadlayo taariikhda dalkan iyo sidii loo heli lahaa dhaxal-gal sax ah oo ka turjunta qaran ahaan iyo qowmiyad ahaan u gudbiyay bulshada, isagoo ku waaniyay inay iska daayaan laba qodob oo uu sheegay inay dhaawacayaan taariikhda qarankan.


Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtay Khayriyadii hore ee Hargeysa oo ku taal badhtamaha magaalada Hargeysa.

Xarunta cusub ee uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay, ayaa noqonaya mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii Taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa’iidaysto.


“Halkan waxaynnu ka doonaynaa in Taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jiray, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba, lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynu rabnaa inaynu halkan kusoo ururinno oo ka faa’iidaysanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku dheeraaday ahmiyada taariikh dhab ah oo qaranku yeesho.


Madaxweynuhu waxa uu bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan in taariikhda la qabyaaladeeyo, wuxuuna tusaale usoo qaatay Buuggag inta badan lasoo bandhigo oo qaab qabyaaladaysan loo qoro iyo magacyo loo bixiyo goobo, kuwaas oo uu sheegay inuu guddi qaran u magcaabayo oo aanay dhacayn in mar danbe ay dhacdo in magacyo laysaga bixiyo meelo, wuxuuna uga digay Madaxweyne Biixi Maayarada dalka inay magacyo aan guddi qaran ansixin u bixiyaan goob ummadu wada leedahay.


“Dhismahan waxa la doonayaa in qof walba wixii uu hayo ee taariikh ah keeno oo lagu kaydiyo, qof walba meel ayuu wax yar ku hayaa, beryahan danbe waxa inagu soo batay, xattaaa Taariikhdii ayaynu qabyaaladaynaynaa, Nin walba oo qarankan wax usoo qabtay, waxa loo bixiyaa Dugsi yar oo xaafadooda ku yaal, ama mid yar oo uu Adeer u yahay ayaa Buug ka qora, waxaana la odhanayaa, “Caawa Buuggii hebel ayaa la dhigayaa”, waa Buug qabyaaladaysan, waxa laga yaabaa inuu ahaa qof qaranka taariikh ku lahaa, sida Maxamuud Axmed Cali iyo Cabdullaahi Suldaan Tima-cade oo qaranka taariikh ku lahaa, markaa waa in loo eego si qaran ee aan lala cararin.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo fariin u dirayay Bulshada.


Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, ayaa yidhi, “Dawladaha hoose, waxaan leeyahay, meelaha wadooyinka iyo dhulka taariikhiga ah, magacyada loo bixinayo si qaran baa loo bixinayaa oo guddi heer qaran ah ayaa loo saarayaa, maaha marba Maayarka joogaa inuu wado ama meel magac isaga bixiyo, guddidaa ayaa qiimaynaya.” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo ku amray Maayarada Magaalooyinka Somaliland in aanay arrimahaasi dhicin.

Madaxweynaha Somaliland oo Ka haldaya arrimahaa halkan ka Daawo.