“Tobban Qof Oo Madaxweyne Cigaal ka qaaday Imtixaan, wuxuu noqday Qofka Ugu Sareeya, wuxuu ahaa…” Muj. Baashe Muuse

HargeysaANN)- Alla ha u naxariistee, waxa maanta ku geeriyooday Cusbitaalka Royal ee Magaalada Hargeysa, Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef) oo hore usoo noqday Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland, isla markaana ka mid ahaa shaqsiyaadkii seeska u dhigay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo waaxda Kastamada ee cashuuraha Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhanbaal Tacsi ah oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef), waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin qaran oo dalka iyo dadkaba wakhtigiisi uga faa’iideeyey soona qabtay xilal kala duwan oo uu ugu danbeeyey wasiirkii Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kana mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu, wuxuu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, ayaa lagu yidhi, dhanbaalka Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Muj. Baashe Muuse Maxamed oo ay muddo dheer soo wada shaqaynayeen, Marxuum Cali Qoorseef, isla markaana ka tirsan saraakiisha Maaliyadda, ayaa shebekadda Araweelo News Network, u sheegay doorkii uu Marxuumku ku lahaa dhismaha wasaaradda Maamliyada, gaar ahaan waxda Kastamada.

Muj. Baashe, wuxuu sheegay inay Marxuumka Wasaaradda Maaliyadda kasoo wada tirsanaayeen muddo dheer ilaa markii ay Somaliland lasoo noqotay Madax-banaanideeda qaranimadeeda, isla markaana dhawr iyo sagaashannaadkii Marxuum Cali Qoorseef oo ahaa Maamulaha Madaarka Berbera uu ku xigeen u ahaa, isla markaana Baashe Muuse kala wareegay xilka markii Marxuumka loo magcaabay Agaasimaha Waaxda Kastamada Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Marxuum Cali Qoorseef ahaa shaqsi akhlaaq badan oo khaabiir ki ahaa arrimaha Maaliyadda, Cashuuraha iyo Kastamada, wuxuuna xusay inuu ka mid ahaa 10 qof oo Allah haw naxariistee Madaxweyne Cigaal ka qaaday Imtixaan, isagoo Marxuum Cali Qoorseef noqday qofkii ugu sareeyay tobbankaa qof.

“Aniga (Baashe Muuse) iyo Maxamed Weere, waa nalaga reebay Imtixaanka xilligaa oo waxaanu joognay Khasnada” ayuu yidhi, Muj. Baashe Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Maaliyadda, wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, shacbiga Somaliland iyo Bahda Wasaaradda Maaliyadda ee ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen Marxuumka, wuxuuna Allah uga baryay inuu naxariistii jana-fardawsa ugu deeqo.

Dhinaca kale, Marxuum Cali Qoorseef oo kasoo jeeday Qoys ganacsato ah oo caan ka ahaa Magaalada Berbera, wuxuu xillal kala duwan kasoo qabtay qaranka oo ilaa heer Wasiir ah, isagoo mar loo magcaabay Mashruuca Corridor, xilligana wuxuu ka tirsanaa guddida Caddaalada Somaliland, isagoo ka mid ahaa labada xubnood ee ka imanaya dhinaca golaha guurtida Somaliland, sida uu dhigayo Qodobka 107, ee Dastuurka Qaranka Somaliland ee tilmaamaya qaabka ay ku imanayaan xubnaha guddida Caddaaladu.

Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network Carraale M. Jaama iyo dhammaan bahda Araweelo News waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Marxuum Cali Maxamed Xasan (Cali Qoorseef) qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, shacbiga Somaliland iyo Bahda Wasaaradda Maaliyadda ee ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen Marxuumka, waxayna Allah uga baryayaan inuu naxariistii jana-fardawsa ugu deeqoMarxuum Cali Maxamed Xasan oo ku magic-dheeraa (Cali Qoorseef).