Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda Hargeysa, waxana halkaas kusoo dhaweeyey hoggaanka xisbiga, garabka haweenka, guddoomiyayaasha degmooyinka kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay xubnaha qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo hawshoodii shaqo xarunta uga socoto, waxana ay uga warbixiyeen halka ay hawluhu u marayaan.

Intaas kaddib, waxa uu madaxweynuhu kulan furan la yeeshay hoggaanka garabka haweenka xisbiga oo ay weheliyaan qaar kamid ah madaxda degmooyinka kala duwan ee caasimadda iyo laamaha dalalka dibadda, iyada oo si saraaxad leh ay haweenku madaxweynaha u siiyeen warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa doorka ay haween ahaan ku leeyihiin guulaha iyo taariikhda xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha garabka Haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Dallays Shire Faarax oo ugu horrayn halkaas ka hadashay, ayaa ku dheeraatay sida ay haweenku tiir-dhexaadka ugu yihiin xisbiga KULMIYE, qaybta libaaxna uga qaataan abaabulka iyo isku-xidhnaanta xisbiga, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqday kaalinta uu haweenka ka siiyey xukuumaddiisa iyo sida ugu aaminay kaalmaha culculus ee qaranka.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo Hinda Jaamac Gaanni, iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Marwo Yurub Abiib oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey dedaalka iyo taageerada haweenka KULMIYE mar walba la garab taagan yihiin xisbiga iyo xukuumadda ka dhalata, uguna dhabar-adaygaan culayska hawlahaas kasoo gaadha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa dhankiisa haweenka xisbiga uga xog-warramay hawlaha qaranka ee uu gacanta ku hayo iyo sida uu mar walba muhiimadda iyo tixgelinta gaarka ah u siiyo haweenka qaranka ee uu daacadda uga yahay inay xuquuqdooda helaan, isaga oo si gaar ah u ammaanay kartida iyo shaqo wanaagga haweenka.

Madaxweynuhu waxa uu haweenka hogo-tusaaleeyey sida ay xisbi ahaan ay dhexda ugu xidheen ee isugu xilqaameen yoolka fog ee ah in in isku-duubni iyo wada-jir loo wada dhiso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo bulshada la mideeyo, “Halkan (Xisbiga KULMIYE) lacag umaydaan iman, laakiin waynu is xilsaarnay oo waxaynu nidhi haddaanu KULMIYE nahay waxanu nahay dad gobolada oo dhan ah oo Somalilanders ah oo doonaya inay dhisaan dalkooda, wax aynu wada leenahay oo ina wada anfaca oo dawlad ah baynu u wada soconnaa baynu nidhi,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ahi oo meesha lagaga saarayo hay’adaha muddo-dhaafay ee waqtigii la dooran lahaa dib uga dhacay, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadin kastaaba u leeyahay inuu tartan furan ugu galo kuraasida kala duwan ee qaranka.