Araweelo News Network.

.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay koox ciyaatooy ah oo guul kasoo xanbaartay dalka #Djibouti, halkaas oo ay ciyaar ku dhexmartay iyaga iyo koox dalka Djibouti ah.

Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo kulan la yeeshay koox ciyaatooy ah oo guul kasoo xanbaartay dalka Djibouti, Image Araweelo News Network. 7 December 2020.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay kooxda kubbadda cagta ee xaga maqalka ama dhegoolayaasha oo kasoo jeedda gobolka Awdal, kuwaas oo kusoo guulaystay tartan ka qabsoomay dalka aynnu deriska nahay ee Jabuuti.

Alt Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo kulan la yeeshay koox ciyaatooy ah oo guul kasoo xanbaartay dalka Djibouti, Image Araweelo News Network. 7 December 2020

Kooxdan oo guul toddoba gool iyo Eber ah kasoo hoysay ciyaar kama dambays ahayd oo ay la yeesheen koox ka dhisan dalka Jabuuti, ayuu madaxweynuhu qaabilay iyaga oo sita koobkii ay kusoo guulaysteen, waxana uu ku ammaanay dedaalka ay ku hanteen guushaas ay kor ugu qaadeen magacii qarankooda iyo koodiiba.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kooxdan soo guulaysatay ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo guusha ay soo hooyeen, waxana uu sheegay inay qaran ahaan libin iyo wax lagu dhaato u tahay guusha ay kooxdani kasoo hoysay tartankii lagu qabtay dalka Jabuuti, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa, waan idiin ducaynayaa, waannu idinku faanaynaa, waana idinku dhaadanaynayaa, aad iyo aadna waanu ugu faraxsannahay sida aad wax usoo qabateen, kartidiina iyo sharaftiina.”

 

Madaxweynuhu waxa uu ammaanay awoodda iyo hibada ku lammaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo sida ay waajibka u tahay inuu qaranku uga faa’iidaysto, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda iyo soo bandhigidda awoodahooda qarsoon.

Alt, Araweelo News Network

kooxda  ciyaatooyga ah ee guusha kasoo xanbaartay dalka Djibouti ee  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulanka la yeeshay Image Araweelo News Network. 7 December 2020

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Boos Mire Maxamed, ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey kooxdan xaga maqalka ama dhegoolayaasha ah oo marka horeba ahayd horyaalka kubbadda cagta ee kooxaha dhegoolayaasha ee ku dhaqan gobollada dalka.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay qaabilaada uu ku qaabiley iyo dhiirigelinta uu u muujiyey dadka baahiyaha gaarka ah qaba guddoomiyaha horyaalada heerka koowaad ee Somaliland,  Samaroon Cabdilaahi Cilmi, gudoomiye ku xigeenka dadka bahiyaha gaarka ah qaba  Geelle Rashiid Xuseen iyo kabtanka kooxda ku soo guulaysatay koobkii jabuuti u qabatay kooxaha dhegoolayaasha, Kabtan Sayid Maxamed Axmed, ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.