Berbera(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tegey shalay magaalada xeebta ah ee Berbera, ayaa kormeeray maanta Dekedda caalamiga ah ee Berbera, isagoo weedho dardaaran ah u jeediyay Maamulka Dekedda, isla markaana kala hadlay qandaraasyada iyo qaabka loo qaadanayo shaqaalaha iyo qalabka loo baahdo marka la bilaabo hawsha.

Madaxweynaha, ayaa ku adkeeyay masuuliyiinta Dekedda Berbera in ay fuliyaan heshiiskii ay Somaliland la gashay DP. World, isla marakana hawsha si deg-deg ah loo bilaabo oo qandaraasyada si cadaalad ah loo maamulo oo aanay noqon kuwo cid gaar ah loo xidho.

Halkan Ka Daawo Kormeerka iyo Weedhaha Dardaaranka ah ee Madaxweynaha.