Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socday Hay’adda Save the Children faraceeda Maraykanka.

Weftigan waxa hogaaminaysay Agaasimaha guud ee Hay’adda Save the Children ee dalalka Somaliland iyo Somalia, Ms Carolyn Miles oo uu wehelinayey wakiilka (isu-duwaha) Somaliland Mukhtaaar Muxumed Xasan.

Ugu horrayn Mukhtaar Muxumed Xasan oo ah Masuulka Hay’adda Save the Children u qaabilsan Somaliland ayaa M/weyne ku xigeenka si qoto dheer ugaga xog warramay hawlaha iyo mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadamino ee ay ka fuliyaan JSL. Sidoo kale, Hay’addani waxay ka war bixiyeen doorka ay ka qaateen Gargaarka iyo Gurmadka abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Waxay soo ban dhigeen qorshe shaxaysan oo muujinaya qaabka ay u hawlgaleen, noocyada gargaarka ah ee ay dadka tabaalaysan u fidiyeen iyo goobaha ay gurmadka Abaaraha ka fuliyeen. Waxa iyana kulankaa si mug leh uga hadashay Ms Carolyn Miles oo sheegtay inay booqatay meelo badan oo ka mid ah JSL isla markaana ay indhaheeda ku soo aragtay baaxadda baahida iyo dhibaatada ay abaaruhu ummadda u geysteen, taasoo u baahan in loo gurmado. Agaasimaha Guud ee Hay’dda Save the Children USA Carolyn Miles waxay sheegtay in iyada qof ahaan iyo ururkeeduba ay sii labanlaabi doonaan kaalmada ay kaga qayb qaadanayaan Gargaarka Abaaraha.

Haweenaydan ugu sarraysa Hay’adda Save the Children USA, waxay Shacabka iyo Dawladda Somaliland si mug leh ugu ammaantay sida ay ugu gurmadeen ummadooda ay abaaruhu tabaaleeyeen, gaar ahaana waxay aad ula dhacday nidaamka Mobile Money Transfer-ka oo ay sheegtay inuu wax weyn ka taray Gurmadka Abaaraha.

Ugu dambayntii, waxa kulankaa hadal mug leh ka soo jeediyey M/weyne ku xigeenka oo aad ugu mahad naqay Ms Carolyn Miles booqashada ay ku timid Jamhuuriyadda Somaliland iyo gargaarka bini’aadamino ee Hay’dda Save the Children USA ka fuliso dalka. M/weyne ku xigeenku wuxuu yidhi: “badanaaba dunidu waxay isku qaladaa Somalia iyo Somaliland, balse JSL waa dal ka gaar ah Somalia oo nabad ah, dimuqraadi ah oo isagu iskii isu tashaday oo ku guulaystay xasilooni, kala dambayn iyo sharciga oo lagu dhaqmo isagoon wax kaalmo horumarin ah ka helin bulshada caalamka. Sidaa darteed, waxa la gaadhay xiligii ay bulshada caalamku garwaaqsan lahayd jiritaanka JSL oo ah xaqiiqo dhab ah oo jirta.” M/weyne ku xigeenka wuxuu masuuliyiinta sare ee Hay’dda Save the Children USA ku booriyey inay Qaranka Somaliland ka taageeraan gurmadka abaaraha isla markaana ay sii laban laabaan gargaarka iyo kaalmada ay ugu tala galeen Abaaraha baahsan ee ka jira JSL.