Araweelo News Network

Ceergaabo(ANN)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  gaadhay magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag,halkaas oo ay la doonayo in lagu soo afjaro colaada soo jiitantay ee deegaankaa oo u dhaxaysa laba dhinac oo ka mid ah dadka deegaanka ee walaalaha ah.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo salaadiin iyo ergooyin qayb ka ah dadka doonaya in lasoo afjaro colaada oo xukuumaddu u xil saartay,  ayaa madaxweyne ku-xigeenka kusoo dhaweeyay magaalada Ceel-Afweyn.

Madaxweyneku-xigeenka ayaa kulan ballaadhan la qaatay madax dhaqameedkii ka kala yimi guud ahaan gobolada Somaliland ee nabadgelyada u joogay Ceel-afweyn hadalo kooban oo uu madax-dhaqameedka u jeediyay madaxweyne ku-xigeenku ayuu ku yidhi “Arrinta aynu u soconaa waa arrin nabad-galyo,waxaynu u baahan nahay in wax kasta oo ay inagu qaadanayso aynu nabadgelyo dhex-dhigno dadka walaalaha ah ee deegaankan, waa dad walaalo ah oo aanay waxba u kala soocnayn, hadana waa nasiib daro dagaalka dhex maraya, hawshaas waxaynu u galaynaa sida ugu fiican”

Sidoo kalana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku kulan la yeeshay culimada ugu caansan gayiga Soomaalidu degto oo magaalada Ceel-afweyn u jooga sidii ay u xoojin lahaayeen dadaalada nabadgelyo ee ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka waddo deegaanadaas, culimada ayaa ballan qaaday inay si daacada u gali doonaan hawlaha nabadaynta deegaankaa.