Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay Ololaha Qaranka ee dhiig bixinta oo qasriga Madaxtooyada Somaliland lagu qabtay.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xusay inay lagama maarmaan tahay dhiig shubistu, taasi  oo uu sheegay inay dadku baahi badan u qabaan wakhtigan inay helaan dhiigaga keyda oo goorwalba la heli karo.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somailland Muuse Cabdiraxmaan Saylici oo ku jira Ololaha Qaranka ee dhiig bixinta  3 janeuary 2019.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somailland Muuse Cabdiraxmaan Saylici oo ku jira Ololaha Qaranka ee dhiig bixinta 3 janeuary 2019.

Wasiirka oo ka hadlaaya baahida dhiig shubistu u leedahay bulshada reer Somaliland ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey madasha furitaanka oo ahayd mid ay qayb libaax ka qaateen Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, golaha wasiirada Somaliland iyo xubno kale oo muhiima oo dhammaantood goobtaasi ku shubay dhiig ay ugu deeqeen keydka cusbitaalka guud, taas oo maanta si rasmi ah looga daah-furay gobolada dalka looguna talo-galay in dalku yeesho keyd dhiiga oo loogu adeego dadka u baahan dhiigagaasi.

Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyey goobta ayaa yidhi “Maanta oo Bishu tahay 03.01.2019 Waxaa halkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka bilaabayaa Olole qaran oo ku saabsan bixinta dhiiga, dadweynaheenu waxay u baahan yihiin dhiig in lagu shubo xaalado badan marka ay lasoo kulanto sida shilalka baabuurta oo aad inoogu badan Dumarka Uurka leh oo dhiig baxa iyo dhaawacyada kale ee inaga soo gaadha meelaha kale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailland Muuse Biixi Cabdi oo Daah-furay Ololaha Qaranka ee dhiig bixinta  3 janeuary 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailland Muuse Biixi Cabdi oo Daah-furay Ololaha Qaranka ee dhiig bixinta 3 janeuary 2019.

Qofkastaaba dhiig waa u baahan karaa Jaarkaaga u baahan kara, Carruurtaada u baahan karta, Waalidkaaga u baahan kara, qofkastaa u baahan kara, waxaynu maanta furaynaa oo Madaxweynuhu Madaxtooyadii ka bilaabay ololihii koobaad ee dhiig bixinta qaranka ummadda oo dhan waxaa looga baahan yahay inay bixiyaan dhiiga sidaa uu Madaxweynuhuba ugu  deeqay, waxaan rajaynayaa in Goboladda iyo Degmooyinka ay ka bilaabanto dhiig bixintaasi,  Madaxweyne waad mahadsan tahay kusoo dhawoow”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay kuna dheeraaday muhiimada ay leedahay in qofwalbaaba ku deeqo dhiigiisu ayaa yidhi “Ilaahay baa mahad leh ina garansiiyey danteena inaynu horumarino oo aynu ka wada shaqayno dhinac walba,  waxaan ku boggaadinayaa dhammaan bahda caafimaadka Wasaaradda oo maanta halkan madaxdeedu ku dhan yihiin mashruucan ay bilaabeen ee ah in Dhiiga la kaydiyo oo dhiig la uruuriyo”.

Madaxweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi “Dhiig bixintu waa Sadaqo Jaariya ah oo waxaad aakhirana geysatay ajarna aad ka helayso dadkaagiina aad ku taageertay, dhiig bixintu waa caafimaad oo waxay dhakhtaradu inoo xaqiijiyeen in dhiigu marka aad bixisaba dib u cusboonaado oo horena waa loo yaqaanay taas oo waynagii Toobinka samayn jirnay marka dadku is toobayaan, Axaadiis badan Nabigana (SCW) waa laga soo wariyey inuu toobinku caafimaad yahay, markaa waa toobinkii oo inta la kaydiyey dhigii lagaa qaaday dadkii kalena lasiinayo ee u baahnaa,

Madaxweynaha oo ku dhiirigelinaya shacbiga loo baahan yahay inay dhiigooda shubaan ayaa yidhi “waynu badbaadin karnaa nolol badan iyo dad badan oo geeri ka baaqsada iyagoo dhiig u baahan, Markaa dadkaa waxaan ku boorinayaa da’a-walba, ragg iyo dumar in la barto in dhiiga la bixiyo oo dhiig badan aynu kaydino, si aynu dadkeena u badbaadino marka ay dhiig u baahdaan, aad iyo aad baan mar labaad u bogaadinayaa  Wasaaradda Caafimaadka iyo madaxda halkan joogta ee kala duwan qoladii dhiiga baanka, Wasiirkii, Wasiir Ku Xigeenkii, Agaasimihii, Agaasimihii Cusbitaalka, dhalinyaro kale oo badan oo wada shaqaynaysa insha allaahu mashruucaasi aad buu inoogu hirgeli, waa inaanay dhicin qof reer Somaliland ah oo dhakhtar yimi oo loo waayey dhiig oo loo carcarayo, waynu kaydin karnaa dhiig fara badan markaa waxaan qabaa in lagu dhiirado in dhiiga la bixiyo waan ku dardaarayaa dadka”.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu shir gudoomiyey kal-fadhigii 27aad ee golaha wasiirada Somaliland oo maanta oo khamiis ah ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaana shirkaasi lagaga dooday horumarinta arrimaha caafimaadka, waxbarashada, caddaalada iyo in kor loo qaado dhammaan arrimaha bulshada madaama oo sanad cusub la galay.