Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa socdaal gaaban oo booqasho ah ku tegay maanta xarunta guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Booqashada uu madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE oo aanay cidi ku wehelinaynin, ayaa waxa halkaas kusoo dhaweeyey xubno kamid ah hoggaanka xisbiga ah oo ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga, mudane Xuseen Aadan Cadde, xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye, mudane Xasan Siciid Yuusuf, guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga, mudane Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, marwo Canab Cumar Ileeye, madaxda garab-yada kala duwan ee xisbiga iyo taageerayaal xisbiga ah, kuwaas oo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin booqashada uu madaxweynuhu xarunta ku tegay isaga oo talada dalka hayey wax ka yar laba bilood.

Socdaalkaa kooban ee uu madaxweynuhu ku tegay xarunta guud ee xisbiga, ayaa ujeeddiisu ahayd sidii uu ugu guurgeli lahaa habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, isla markaana u muujin lahaa xidhiidhka toolmoon, wada-shaqaynta iyo wada-tashiga xukuumadda iyo xisbiga ay ka dhalatay ee KULMIYE ka dhexeeya, waxaana uu madaxda xisbiga ee xarunta ku sugnayd kala sheekaystay sida ay hawlaha xisbigu u socdaan iyo dedaalka ay wadaan.

Xog-hayaha guud ee xisbiga KULMIYE, mudane Xasan Siciid Yuusuf oo kamid ahaa saraakiisha xisbiga ee madaxweynaha kusoo dhaweysay xarunta guud, oo ugu horrayn sharraxaad kooban ka bixiyey, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu qayb waqtigiisa kamid ah u huray xisbiga KULMIYE iyo hawl-wadeennadiisa, isla markaana diyaar u yahay xog-waraysiga xubnaha hawlaha kala duwan ee xisbiga gacanta ku haya, waxaana uu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu doonayey inuu beryahaaba inoo yimaaddo oo uu xisbiga yimaaddo oo uu dadkii ay xisbiga kasoo wada-shaqeeyeen iyo masuuliyiintii xisbiga u yimaaddo oo uu la sheekaysto, Ballantuna waxa ay ahayd inuu Isniintan maanta ah yimaaddo, iyada oo ay hawlo badani u yaalliin buu haddana yimi, inuu idin baashiro ayuu meesha u yimi, Ajandaheenuna waa salaan iyo isu mahad-celin.”

Booqashada uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tegay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka marag kacaysa sida uu muhiimad iyo waqti u siinayo hawl-wadeennada kala duwan ee xisbiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay hoggaanka xisbiga KULMIYE.

 

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland