WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-215/102018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka Komishanka Maamul-Wanaaga, Xeer Lr. 58/2012;

Markaan Arkay: Xeerka Guddida Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka, Xeer Lr. 67/2015;

Markaan Arkay: Xeerka Guddida Dhawrista Tayada, Xeer Lr. 68/2014;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

 

1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan.