Caynaba(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u deedafeeyey eedaymo ay golaha wasiirrada maamulka Puntland ku majaro habaabinayeen safarka uu ku marayo gobollo kamid ah dalka, waxana uu meesha ka saaray in xukuumadda uu hoggaamiyaa wax cabudhin ah ku hayso bulshada ku dhaqan gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay soo dhaweyn ballaadhan oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayo loogu sameeyey magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, ayaa ugu horrayn si weyn u ammaanay shacabka ku dhaqan gobolka Sool, waxana uu sheegay inay dadkaasi yihiin bulsho taariikh ma-guurto ah leh, isaga oo meesha ka saaray inay wax colaad ahi ka jirto maamulka Puntland iyo Somaliland dhexdooda, “Dadka reer Sool dad la cabudhin karo ma aha, waa dhashii daraawiishta oo cidina xoog iyo hanjabaad ulama timaaddo, walaaltinimo iyo maxaynnu yeelnaa baa loola tagaa, waxana aannu leenahay Soomaali maanta uma baahna cabudhin, xoog iyo dagaal, waliba Somaliland iyo dawlad-goboleedka Puntland waligood khilaaf hore iyo colaad hore kama dhexaynin, waana isku xaalad oo labaduba xaalado abaareed oo dhaqaale baa haysta,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray,

“Dadka Puntland annaga waxba nama dhex yaallaan, dadka reer Puntland-na waxannu u naqaannaa dad gob ah, talo qabeen ah oo aan dadka ku ciir-ciirin, qoladan dhallinyarada ah ee imika xukunka haysana waxan leeyahay sidii awoowayaashood iyo boqorradu u dhaqmi jireen ha u dhaqmaan oo miyirka ha soo celiyaan, cidda aynnu is haynno ee dhibaato ka taagan tahayna waa maamulka Muqdisho.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hogo-tusaaleeyey sida ay waajibka u tahay in laga dheeraado wax kasta oo colaad iyo dhibaato keenaya, isaga oo is af-garan waaga u dhexeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland-na ku tilmaamay mid si miyir qabta loo dhammayn karo, waxana uu yidhi, “Intaynu colaad iyo belaayo isku abaabulayno waxa ka wanaagsanayd innaga oo is wada kaashanna oo nidhaahna maxaynnu dadka u qabannaa, muranka qudha ee Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland u dhexeyaana waxa weeye annagu waxannu aaminsannahay sida Afrika ku dhaqan tahay xadkii Ingiriiska intii ay Somaliland xaq u leedahay inay maamusho oo ay wax ka qabato oo ay nabad iyo barwaaqo u horseeddo, qolada Garowe madaxda ka ahna way la noqon weyday oo waxa yidhaahdeen aynnu si qabiil ah oo isir ah aynnu wax u maamulno. Haddiise ay wuxuba intaas tahay inaynnu rag iskaga laynno oo aynnu agoomo ku abuurno oo ay Hooyooyin ku goblamaan, aniga ilama aha, intaasina waa in hadal lagu dhammayn karo, muddo ilaa sanad ahna taas waannu u taagnayn.”

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey in cidda dhibaatada wadda ee bulshada colaadda ku abaabulaysa ee u baahan in la iska kaashadaa uu yahay maamulka Muqdisho fadhiya iyo hoggaankiisa, “Ninka Soomaalida magaalo magaalo ula dagaallamaya ayaannu leenahay Ilaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynnu u baahannahay inaynnu u caqli celinno, haddii loo caqli celin waayona aynnu iska qabannee, annagu Puntland iyo Garoowe uma soconno, mana qaxinayno, mana rabo inay dhibaato gaadho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay nabaddu, isla markaana, balse ciddii nabaddaas ka hor timaadda ay gacan bir ah ku qaban doonaan, “Somaliland way ka madax bannaan tahay Soomaaliya, waxana ay ku go’day niyaddeeda, haddii aynnu kala madax bannaannahayna colaad, xumaan, weerar iyo necbaansho midna naguma jiro, dad ciil qabona ma nihin oo wixii dhacay ciil maalin walba ka taagan, laakiin waxannu ka yaabnay kuwii hore wixii ay sameeyaan kuwo ka waalan oo Xamar Fadhiya imika, Soomaali iyo cid walba nabad baannu la doonaynaa, ninkii nabadda diida ee loo taag waayona waannu Edbinaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland