Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mr. Gavin Williamson Alexander oo booqasho ku yimi maanta Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Hadyad ka gudoomay Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson, 6 January 2019.
Somaliland president Muse Behi and Uk secretary Defense Mr. Gavin Alexander

 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Difaaca ee Britain, waxa dhexmaray kulan albaabada loo xidhay, kaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha lagaga hadlay, balse markii kulankaasi dhammaaday, waxa qasriga Madaxtooyadda Somaliland war-saxaafadeed kooban oo lagaga hadlay kulanka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xoghayaha Difaaca Britain.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka  kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson, 6 January 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson, 6 January 2019.

“Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo  Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 26 Jun 1960-kii, iyadoo safarka xoghayuhu uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka Xoghayaha difaacu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu salaan siinayo Sarkaal la socday Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson, 6 January 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu salaan siinayo Sarkaal la socday Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin Alexander Williamson, 6 January 2019.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey kulankaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.” Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed kulanka kadib kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland  Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhinaca kale booqashada Xoghayaha difaaca dawladda Ingriiska Mr. Gavin Williamson ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf u dhexeeyey dawladda Federaalka Iyo Ergayga Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida, iyadoo xukuumadda Somaliland mawqif kaa ka duwan ka qaadatay artintaa, balse lama shaacin in Xoghayaha difaaca booqashadiisu qayb ka tahay arrinamaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson oo booqasho ku yimi Hargeysa 6 January 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin Alexander Williamson oo booqasho ku yimi Hargeysa 6 January 2019.

Sidoo kale booqashada Somaliland ee Xoghayaha Difaaca Britain, ayaa kusoo beegantay, iyadoo dhowaan isbedelo siyaasadeed ka dhaceen mandaqada, kadib heshiiskii Ethiopia iyo Eritrea, isla markaana waxa sannadii u danbeeyay laga dareemayay gobolka loolan dhanka istiraatiijiyada ah oo u dhexeeya dawladdaha waaweyn, iyadoo Somaliland ahmiyad weyn oo Istiraatiijiyadeed u leedahay mandaqada, taas oo qayb ka ah loolanka xilligan ee salka ku haya danna dhaqaale, kuwo Millateri iyo kuwo siyaasadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno xukuumadiisa ka tirsan iyo Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson iyo saraakiil la socotay 6 January 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno xukuumadiisa ka tirsan iyo Xoghayaha difaaca Britain Mr. Gavin  Alexander Williamson iyo saraakiil la socotay 6 January 2019.

Dhinaca kale dawladda Britain, ayaa xidhiidh dhow la leh Somaliland oo Boqortooyada Ingiriiska xoriyadeeda ka qaadatay 26 Jun 1960-kii, waxayna Dawladda Britain si weyn uga qayb qaadataa mashaariicda dhanka horrumarka ee Somaliland oo ay door weyn ka cayaarto.