Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Hargeysa(ANN)-Cuddurka COVID-19, ee ku baahay dunida, ayaa si hoose ugu fidaya bulshada Somaliland, iyadoo ay kordhayso tirada dadka lagu arkay xannuunka ee iskood u imanaya Cusbitaalka guud ee Hargeysa, sida uu sheegayaan warbixinaha maalinlaha ah ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ku iftiimiyay warbixinaha uu maalib walba la wadaago warbaahinta

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in baadhitaanno caafimaad oo lagu sameeyay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay 43 Qof, kuwaas oo dhammaantood Cusbitaalka Guud u tegey kaddib markii ay xannuunka isaga shakiyeen, iyadoo  laga helay 18 ka mid ah dadkaa.

Sida uu Dr. Xergeeye ku sheegay Warbixinta maalinlaha ah, 14 ka mid ah Dadka xannuunka laga helay waxay deggan yihiin Magaalada Hargeysa, halka 3 ka mid ah ay deggan yihiin magaalada Berbera, hal qof oo mid ahna uu ku nool yahay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Dhinaca kale, Agaasimuhu, wuxuu sheegay in hal Qof u geeriyooday Xannuunka 24-kii saacadood  ee lasoo dhaafay, waxayna geerida marxuumkaasi ka dhigaysaa tirada guud ee dadka u geeriyooday mudadii lagu arkay Somaliland xannuunka Coronavirus 20 qof.

Dr, Xergeeye, wuxuu xusay in ay ka bogsadeen xannnuunka 7 Qof oo astaamaha Cuddurka laga waayey baadhitaannada lagu sameeyey 24-kii saacadood ee u dambeeyey, wuxuuna ku sheegay  tirada guud ee dadka xannuunka kasoo kabtay, ama ka bogsaday 40 qof.

AKHRI: Somaliland: COVID-19, Oo Kordhay Magaalooyinka Hargeysa Iyo Burco

Sidoo kale, wuxuu Agaasime Xergeeye sheegay in guud ahaan Somaliland tirada dadka Xanuunka laga helay tan iyo markii lagu arkay guddaha dalka ay gaadhayaan 304 qof, halka baadhitaan ;lagu sameeyey 1235 qof.

Marka la eego warbixinaha Wasaaradda Caafimaadka ee dadka xannuunka laga helay, waxay muujinaysaa in  Magaalada Hargeysa tahay tirada ugu badan ee kiisaska Coronavirus ee dalka, taas oo noqonay isu geynta guud 158 kiis, magaalada labaad ee kiisaska ilaa hadda la hayo ayaa noqonay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, taas oo laga helay 23 qof.

Sidoo kale, Burco iyo Berbera, ayaa laga kala helay 17 Kiis iyo 15 kiis, sida ay u kala horreeyaan, halka  Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, lagu arkay ilaa hadda  3 Kiis, kuwaas  oo la xaqiijiyey, Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa lagu arkay hal Kiis oo deegaanka Yufle ee duleedka Magaalada Ceergaabo ah.

Dhinaca kale, ma jiraan baadhitaano lagu oggaanayo heerka rasmiga ah ee xannuunku ka marayo Magaalooyinka, balse tiradan iyo kiisaskan, ayaa ah dadka iyagu iskood ula soo xidhiidhay Wasaaradda Caafimaadka ee ka shakiyay in ay qabaan Cuddurka, kuwaas oo lagu qiimeeyay sida ay ugu kala badan yihiin magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

AKHRII:  #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

Cuddurka Coronavirus, oo kasoo faafay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, ayaa noqday xannuun safmareen ah oo sadheeyey dunida, waxaana loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa wuxuu ku baahay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 6,211,314, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 372,140, halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya, 2,770,547, kuwaas oo dunida oo dhan ah.

Sida ay sheegayaan warbixinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, May 31, 2020, Sunday, Time in Hargeisa,8:24 PM (GMT+3), degelka Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee lagu ururiyo COVID-19, tira uu asiibay ee dunida oo dhan.

Hase yeeshee, waxa xusid mudan in ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafaya Adduunka, kaas oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana kala qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula simay dhaqaalaha aduunka oo gaadhsiiyay khasaare weyn, gaar ahaan dalalkii sheeganayay in ay hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka, kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin dowooyin iyo talaal midna, waxayna khuburada Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha dadka, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.