Calidhegoolecali gadheerHargeysa(ANN)Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si cad u sheegay in Xukuumaddu wareejisay Haammaha Shidaalka Berbera ee muranka siyaasadeed ka taagnaa. Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Wersheddaha Somaliland.
Labadan masuul oo kasoo jeeda deegaanka deegaanka Saaxil, ayaa sheegay inay Xukuumaddu xaq Dastuuri ah u leedahay kiraynta iyo Maamulida Haammaha Magaalada Berbera.
Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoollaha Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) iyo Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole) waxay sidoo kale bulshada Saaxil weydiiyeen siday u eekayd Magaalada Berberi wixii ka horeeyay xukuumadda Axmed Silaanyo, iyagoo ku dooday in wax baddan laga qabtay gobolka Saaxil.

“Reer Saaxil waxaan weydiinaya Dawladda Madaxweyne Silaanyo ka hor siday u eekayd Berberi, 100 %, maanta ayay horumar gaadhay, hadad eegto Madaarka waad ogtihiin waxa laga qabtay, haday tahay Dekeda, Haammaha iyo horumarka Dawladda Hoose, Waaxyaha Dawliga ah iyada ayaa ugu horeysa Berberi dalka, Caafimaadka ayaa liidan jiray maanta isaga ayaa ugu casrisan Magaalooyinka Waddanka. Marka maamulka iyo maareyntana marba cidii joogta ayaa leh, waxaan leeyahay dadka kicinta halaga daayo.” Sidaa waxa yidhi Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Gadheer.
“Dawladdii Cigaal, Haammaha Shidaalka waxay ku wareejisay Sherkadii TOTAL, Shirkaddaa macaash cidi kama heli jirin, waxay ahayd Shirkad ajaanib ah. Maanta Xukuumadani Shirkaddo Muwaadiniin ah oo lacagtoodu tahay lacag dalku leeyahay oo maal gashanaya ayay ku wareejisay, waa Shirkaddo isu tegey oo dhammaan dalka ka koobaan, wixii ay Macaashaan waa wax dalkeena u kordhaya adduunka oo dhami wuxuu ku hormaray iskaashiga, meesha wax lagu guubaabiyo dadka kama muuqdaan.” Sidaana waxa yidhi Wasiir ku-xigeenka Wershaddaha Somaliland Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole)
Dhawaaqa labadan masuul ayaa su’aalo iyo doodo ka dhex abuuray bulshada, iyadoo lays weydiinayo sababta labadan masuul arrinta muranku ku taaganyahay ee Haammaha shidaalka uga hadlayaan iyo sababta ay ugu keli noqdeen, waxayna arrintani kusoo beegantay, iyadoo qaar ka mid ah shirkaddaha lagu wareejinayo Haammaha saacadihii lasoo dhaafay ka hadleen, isla markaana sheegeen in aanay ka noqon qorshaha ay ku doonayaan inay qaabkaa aan sharciga waafaqsanayn ugu boobaan hantida Ummada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews