Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Baanka Somaliland, ayaa difaacay qorshaha E:shilling oo ay soo bandhigeen, kaas oo munaasibad lagu daah-furayay maanta lagu qabtay Hargeysa, taas oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, isla markaana ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo masuuliyiin ka socotay shirkaddaha lala kaashanayo fulinta Barnaamijkan.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland  Cali Ibaraahim Jaamac (Baqdaadi) (Bidix) iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland, Axmed Xasan Carwo (Midig) 13 Jan 2020. Araweelo News Network.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Ibaraahim Jaamac (Baqdaadi) (Bidix) iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland, Axmed Xasan Carwo (Midig) 13 Jan 2020. Araweelo News Network.


Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Ibaraahim Jaamac (Baqdaadi) oo ka hadlayay Barnaamijka E: Shiling, kaas oo uu sheegay in mushaharooyinka lagu siinayo 18,000 -19,000 shaqaalaha Dawladda Somaliland ah, wuxuuna ku faanay in qorshahan oo ah mid guul-weyn ah uu meesha ka saarayo dad badan oo ahaa Caadystayaal iyo caaglayaal, kuwaas oo sida uu sheegay dawladda mushahar looga qaadi jiray, balse aan ahayn dad jira, wuxuuna xusay in qof walba ku helayo lacagtiisa adeegyada Zaad iyo E-Dahab, isagoo akoon ku leh Bangiga dhexe, isla markaana marka ay bishu dhammaato qof walba Mushaharkiisa loogu dirayo adeegaa, ama uu ku haysanayo Akoonkiisa Bangiga.


Mar uu ka hadlayay meelaha laga isticmaalay adeegan cusub ee ay soo kordhiyeen, wuxuu tilmaamay in Afrika laga hirgeliyay dhawr dal, isagoo amaanay shirkaddaha Telesom iyo Somtel oo uu sheegay inay gacan weyn ka siiyeen farsamada iyo hirgelintiisa, wuxuuna xusay inay labadaa shirkadood horrumarka dalka door weyn ka qaataan oo ay yihiin hormoodka dalka.


Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Baqdaadi, ayaa sheegay in Bangiga dhexe 15 laamood ku leeyahay gobolada dalka oo dhan, “E: Shilling, waxa bilaabay Bangiga dhexe ee Somaliland, Barnaamijkan garbaha uu ku duulayaa waa shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil, waana u mahad-celinayaa.”
“Dalka Ghana ayaa laga horgeliyay Barnaamijkan, wuxuu socday dhawr sannadood welina wuu socdaa oo maaha wax dhamaaanaya, waxaana soo baxday markii lagu bixiyay Mushaharka shaqaalaha inay soo baxaan 56,000 , oo caaglayaal ah, markaa faa’iido weyn ayuu qaranka u leeyahay, waxaana lagu bilaabay wasaaradda Maaliyadda iyo Hay’adda shaqaalaha, waxaana lagu xerin-doona Madaxtooyadda, Golaha wasiiradda iyo golayaasha sharci-dejinta .” ayuu yidhi, Baqdaadi, wuxuuna xusay in markaa kadib Barnaamijka E: Shilling loo gudbinayo Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale ee dalka oo Barnaamijkani qaadan doono dhawr sannadood.


Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland, Axmed Xasan Carwo, ayaa sheegay in mashruuca E:shilling uu yahay mid faa’iido weyn u leh dhaqaalaha dalka, isla markaana meesha ka saaraya lacagta lasoo daabacdo ee Noodhka Kaashka, waxa kale oo uu xusay in aanu qofku awood u yeelanayo inuu wax dhigto.
Agaasime Axmed Carwo, ayaa si weyn ugu amaanay shirkaddaha Dahabshiil iyo Telesom, kuwaas oo uu sheegay inay qayb weyn ka yihiin horrumarka dalka.