Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa kulan xog-waran ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, kulankaa oo Masuuliyiinta Wasaaraddu Madaxweynaha ku hordhigeen waxrbixin ay ku shaxeeyeen tirada guud ee macalimiinta, Iskuulada iyo Miisaaniyada wasaaradda, halka ay marayeen markii xukuumadda Siilaanyo la wareegtay xilka 2010 iyo sanadkan 2015, farqiga u dhexeeya.
Warbixinta Madaxweynaha loo gudbiyay oo Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Deyr u gudbiyay Warbaahinta , ayaa u dhignayd sidan:-
” Kulan Xog-warran ah oo uu Madaxweyne Axmed Siilanyo la yeeshay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, 08.12.2015.
asuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo la kulamay Madaxweyne Siilaanyo

asuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo la kulamay Madaxweyne Siilaanyo


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo isagoo ka duulaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ah inuu la xisaabtamo masuuliyiinta uu u magacaabo Xilalka Hay’adaha Qaranka, wuxuu maanta (08.12.2015) Xafiiskiisa kulan ballaadhan kula yeeshay masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Madaxweyne Axmed Siilanyo isagoo gudanaya xilka iyo masuuliyadda uu ummadda u hayo, ujeedada ugu muhiimsan ee ugu yeedhay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa weeye si ay uga war bixiyaan, Madaxweynuhu uga helo xog dhammaystiran wixii sannadkan 2015-ka Wasaaraddooda u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin, caqabadaha ka hor yimid iyo weliba qorshaha, hilaadda iyo hiigsiga ay leeyihiin sannadka 2016-ka.

Kulanka waxa shir-guddoominayey Madaxweynaha waxana goob-joog ahaa:
saraakiil waxbarashada
Xagga Wasaaradda Madaxtooyada: Madaxweynaha, Madaxweyne/ku-xigeenka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Af-hayeenka Madaxweynaha iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

Xagga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Wasiirka, Wasiiru Dawlaha, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, Guddida Tacliinta Sare, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, Waaxda Manhajka iyo Tababarrada iyo waliba aqoonyahano kale oo xilal sare ka haya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Ugu horraan waxa hadalkii bilaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdillaahi Ibraahim Habbane oo Madaxweynaha JSL uga mahad-naqay kulanka xog-warranka ah ee Wasaaraddiisa loogu yeedhay. Wasiirku wuxuu si guud-mar-ah uga war bixiyey in Siyaasadda hagta Wasaaraddiisu ay qayb muhiim ah ka tahay siyaasadda guud ee ay Xukuumaddu ka leedahay adeegga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Qaranka JSL. Wasiir Habbane wuxuu tibaaxay in ummad walba ay u egtahay sida ay waxbarashadoodu u egtahay. Sidaa darteed, in masuuliyadda koowaad ee Wasaaraddiisa saarani ay tahay gudbinta iyo baahinta wax-barshada aasaasiga ah si ilma kasta oo reer Somaliland ah uu u helo fursad wax-barasho. Sidoo kale, tabinta aqoonta iyo tayaynta waxbarashadu waa waajibaadka muhiimka ah ee saaran Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Wasiir Habbane wuxuu sheegay in Wasaaraddiisa iyo hawl-wadeenadeeduba ay si weyn ugu baraarugsan yihiin kaalintooda bulsho, isagoo tilmaamay in Wasaaradiisu ay Qaranka uga wakiil tahay bixinta adeeg dadweyne oo xagga Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ah oo tayo leh.

Kulankii xog-warranka ahaa ee uu Madaxweyne Axmed Siilanyo ugu yeedhay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa iyaguna ka war bixiyay Wasiiru Dawlaha Mudane Axmed Nuur Faahiye iyo labadada (2) Agaasime Guud ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Abiib Axmed Cali iyo Mudane Yusuf Axmed Cali oo iyagu si qoto dheer uga xog warramay wax-qabadka iyo horumarka ay Wasaaraddu ku tallaabsatay. Wasiiru Dawlaha iyo Labada Agaasime Guud waxay si mug leh uga war bixiyeen isla markaana ay hoosta ka xarriiqeen korodhka tirada ardayda dhigata iskuullada hoose, kuwa sare iyo Jaamacadaha, Tirada Macallimiinta iyo koboca Miisaaniyadda ay ku shaqayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare muddadii ay Xukuumadda Axmed Siilaanyo talada dalka haysay.

Tirada Iskuulada Hoose 2010, waxay ahaayeen 684 Iskuul, halka Tirada Iskuulada Hoose sanadkan 2015 noqdeen 931 Iskuul, halka Tirada Iskuulada Sare 2010 ahayd 61 Iskuul, sanadkan 2015, waxay noqdeen 85 Iskuul.

2010, waxay Tirada guud ee ardayda dhigata Iskuulada Hoose iyo Sare ahaayeen 160,000 (oo arday), halka sanadkan 2015, ay noqdeen 232,546 (oo arday)
2010, waxay Tirada Macalimiinta Was. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ahaayeen 2,707 Macallin, halka sanadkan 2015, ay noqdeen Macalimiintu 6,376 Macallin.
Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare sanadkii 2010, waxay ahayd 13 Bilyan SLSH, halka sanadkan ay noqotay 77 Bilyan SLSH (467%).
Wasiiru Dawlaha iyo labada Agaasime Guud waxay tilmaameen doorka ay Wasaaradda ku leedahay horumarka bulshadeena, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay inay qayb laxaad leh ka qaataan fulinta iyo hirgelinta qorshayaasha iyo hadafka ay Xukuumaddu leedahay xilliga dhaw iyo xilliga dheerba. Sidoo kale waxay ka war-bixiyeen hadafka iyo hiigsiga u astaysan iyo weliba baahiyaha daruuriga ah ee haysta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee wax-ka-qabasho u baahan.

Waxa iyaguna kulankaa hadal kooban oo miisaaman ka soo jeediyey M/weyne/k/xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ku booriyey inay mudnaanta koowaad siiyaan sidii ay bulshada u siin lahaayeen adeeg-Waxbarsho oo tayo leh isla markaana ay ku dadaalaan sidii loo wanaajin lahaa tayada waxbarasho ee iskuullada Dawladda taasoo salka ku haysa siyaasadda guud ee Xukuumadda.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si aad u qoto dheer u dhegaysanayey su’aalana ka weydiinayey xog-warranka ay bixinayeen masuuliyiintii hor fadhiday, wuxuu kulankii ku soo gaba-gaboobay hadal dar-daaran iyo dhiirrigelinba ahaa oo uu Madaxweynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare isagoo sheegay in tayada wax barasho ee ay ummadi leedahay ay ka tarjumi karto horumarka iyo hiigsiga ay ummaddaasi leedahay. Gabagabadii Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiintaa dhammaantoodba ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka iyo xilka ay ummadda u hayaan. ” ayaa lagu yidhi warbixintaa.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380