Muuqaalka Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE Iyo Dublamaasiyiinta Turkiga 27 Nov 2015

Muuqaalka Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE Iyo Dublamaasiyiinta Turkiga 27 Nov 2015

Hargeysa(ANN)Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, ayaa kulan Albaabada lo xidhay la yeeshay Dublamaasiyiin ka socday Dalka Turkiga oo uu hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer.

Kulankaa oo maanta ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Turkigu ku leeyahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ahaa mid Albaabada loo xidhay oo aanay saxaafadu waxba kala socon, balse markii uu dhamaaday oo kulankaa oo qaatay saacado, waxa ujeedadiisa iyo waxyaabaha lagaga hadlay lagu shaaciyay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE, wuxuuna qoraalku u qornaa sidan:-

“Madaxda Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, kulankaas oo ka dhacay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Turkigu ku leeyahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee maanta oo taariikhdu tahay 27 November 2015.
Kulanka labada dhinac dhexmaray waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinaysay marwo Faadumo Siciid, halka dhinaca dalka Turkiga-na ay ka socdeen Ergayga gaarka ah ee dawladda Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ahmet Rize Demirer, Qunsulka Guud ee Turkiga u jooga Hargeysa Mr. Muzaffer Yüksel iyo madax kale.

Madaxda Axsaabta Somaliland, gaar ahaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, kulanka ay la yeesheen diblomaasiyiinta ka socday dawladda Turkiga, waxa lagaga hadlay sii xoojinta cilaaqaadka siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi, isu socodka dadweynaha iyo saaxiibtinimo ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Turkiga, iyadoo sidoo kale si gaar ah looga wada-xaajooday wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Arrimaha Masuuliyiinta labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay kala hadleen ergayga Turkiga, soona jeediyeen, waxa ugu muhiimsanaa qodobo ay ka mid ahaayeen;

Muuqaalka Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE Iyo Dublamaasiyiinta Turkiga 27 Nov 2015 Hargeysa Somaliland

Muuqaalka Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE Iyo Dublamaasiyiinta Turkiga 27 Nov 2015 Hargeysa Somaliland

ü In wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan qaar natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo

ü In dawladda Turkigu dhex u noqoto arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada;

· Mucaawanada ama dhaqaalaha oo ay u arkaan in si sad-bursiimo ah Soomaaliya u hesho

· Arrimaha Siyaasadda

· Dhexdhexaadinta wadahadalka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya

ü In intii ay socdeen wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wixii lagu heshiiyey ay ka fuli waayeen dhinaca Muqdisho, taasina caqabad ku tahay wadahadalka gogoshiisa ay dhigtay dawladda Turkigu

ü Waxa kaloo labada xisbi u caddeeyeen Ergayga Turkiga in mowqifkooda wadahadalladu yahay inay ka soo baxdo madaxbannaanida Qarannimada Somaliland, isla markaana aanay wax ka sokeeya marnaba aqbalayn.

Muuqaalka Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE Iyo Dublamaasiyiinta Turkiga 27 Nov 2015 Hargeysa Somaliland????????

Muuqaalka Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE Iyo Dublamaasiyiinta Turkiga 27 Nov 2015 Hargeysa Somaliland.

Dhinaca kale, Ergayga gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta kale ee wehelinayey waxay u mahadceliyeen madaxda axsaabta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ballanqaadeen;

v In dawladda Turkigu ay dhexdhexaad ka noqonayaan arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

v In Dawladda Turkigu ay ballaadhinayso qunsuliyadooda Hargeysa oo ay diyaar u yihiin inay wax badan ka qabato tabashooyinka Somaliland qabto, una raadiyaan xal u cuntama reer Somaliland

v In Turkiga iyo Somaliland yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo sii socda.” ayaa lagu yidhi qoraalka saxaafada loo qaybiyay ee ka hadlayay kulankaa.

Dhinaca kale kulanka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmihii u danbeeyay warbaahinta Somaliland soo bandhigeen muuqaalo sawiro Dublamaasiyiin xafiiska dawlada Turkigu ku leedahay Hargeysa oo kulamo qarsoodi ah la yeeshay Madaxdhaqameed Somaliland ah, kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha ay kala hadleen, balse qaar ka mid ah Madaxdhaqameedku sheegeen in wada hadaladii labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia oo dawlda Turkigu gadhwadeen ka ahayd ay qayb ka noqonayaan, taas oo si weyn uag cadhaysiisay Bilshada Somaliland, iyadoo dhinaca kalena kulanka qarsoodiga ah ee Turkigu Hargeysa kula yeeshay Xubno Madaxdhaqameedka Somaliland ah, uu muujiyay inay hay’addihii qaranka ee qorshayaasha sidan oo kale ka war hayn lahaa aanay waxba kala socon, isla markaana muujisay sida Hay’adda sirdoonku uga gaabisay hawshii ay qaranka u haysay, waxyana arrintaasi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku noqotay wejigabax siyaasadeed. kadib markii muuqaalada kulamadaa warbaahintu soo bandhigtay.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380