Hargeysa(ANN)-Kulan deg-deg ah, ayaa maanta gelinkii horre ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Kulankaa oo saacado baddan qaatay, Isla markaana Albaabada loo xidhay waxa ku wada hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Cabdi Iyo madaxda saddexda Xisbi qaran.

Sida lagu sheegay war-Qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda markii kulanku dhammaaday, waxa ujeedada kulanku ahayd sidii loo sii anbaqaadi lahaa wadahadaladii Arrimaha doorashadda oo hakadku ku yimi, kadib markii todobaadkii horre golaha wakiiladu diideen soo jeedinta Heshiiska saddexda Xisbi iyo xukuumaddu wada gaadheen.

War-qoraalka kasoo baxay kulankaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani.

Xisbiyada mucaaradka ahi waxay dareen taban ka muujiyeen qaabkii ay u joojiyeen golaha wakiilladu in ay ka doodaan mooshinkii ahaa in la kordhiyo tirada xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, waxa kale oo ay sheegeen in ay dood adag ka qabaan qaabkii uu u joojiyey ka doodista mooshinka garyaqaanka golaha wakiilladu, sidii ay horeba warbaahinta uga sheegeen.

Inkasta oo aynu filaynay in golaha wakiiladu dood geliyo mooshinka ay u soo jeediyeen saddexda xisbi qaran, haddana mar hadii garyaqaankii goluhu dood sharci ka keenay madaxweynuhu waxa uu ku taliyey in aynaan wakhti badan ku lumin dood sharci xiligan, balse laga faa’iideeyo muddada kooban ee aynu haysano, sidaa darteed waxa uu ka codsaday labada xisbi qaran in qayb ka ahaadaan hannaanka geedi socodkii doorashooyinka ee ay horeba saddexda xisbi qaran ugu heshiiyeen.

Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu u soo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa uu si cad u balan qaaday in la fulin doono qodobka afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019, kaasoo dhigayay in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib.

Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jewi degan, waxaanu madaxweynuhu mar kale ka codsaday axsaabta qaranku inay sii wadaan geedi socodka doorashooyinka, sidoo kalena waxa uu ku bogaadiyey axsaabta qaranka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka.

Halkan ka Akhri: Gollaha Wakiillada Somaliland Oo Diiday Meel-marinta Heshiiska Saddexda Xisbi Ee Kommishanka Doorashada

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019 axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001.ka,” ayaa lagu yidhi, warka qoraalka ah ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ee ku taariikhaysan, 26 August 2019.