Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Kulankii labaad ee xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyayaasha Axsaabta ee mucaaradka ayaa maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Kulankaa oo ka sokow madaxda mucaaradka iyo xukuumadda, waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Wakiillada iyo Odayaasha Ergada dhexdhexaadinta.

Ma jiro war kasoo baxay kulankaa iyo arrimaha labada dhinac kaga wadahadleen marka laga yimaado ujeeddada ugu weyn ee ahayd in xal loogu helo khilaafka siyaasadeed, balse waxa keliya ee la ogyahay in kulankaa oo dood adag ay labada dhinac isuku waajaheen, wallow aannay midkoodna ka bixin faah faahin.

Hase yeeshee kulamada ayaa la filayaa in ay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo is araga wajiga saddexaad lagu balamay maalinta bari ah.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu balamay is aragiisa Ciidul Adxaa kahor, si loogu turxaan bixiyo is mari waaga ka dhaxeeya labadda dhinac ee murranka ka alloosan arrimaha dooorashooyinka Madaxtooyadda iyo furista Urrurada Siyaasada.

Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa muddooyinkii u danbeeyay isku maan dhaaf sanaa sida ay u kala horaynayaan doorashooyinka Madaxtooyadda ee qorshaysnayd 13 November 2022 iyo diiwaangelinta Urrurada Siyaasada iyo axsaabta, maadaama ay Desember 2022 ku dhammaanay muddadii sharciga ahayd ee Axsaabta qaranka.

Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii maxaabiis u xidhinayd mudaharaadka ka dhacay Magaaladda Hargeysa oo mucaaradku soo abaabuleen 9 Jun 2022, lasoo daayay.

 Kooxda u xidhnayd arrimaha siyaasadeed waxay siideyntoodu ahayd si wadahadalada u fududaadaan, iyadoo sii deynta maxaabiista ay ka shaqeeyeen Ergada dhexdhexaadinta ee ka kooban madaxdhaqameedka iyo culmida oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Guurtida iyo guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay xafiiska ku qaabilay xubnaha dhowaan shaaciyay Urrurada siyaasada, kuwaas oo isu diiwaan geliyay in ay ku tartamaan marka la gaadho furista Urrurada Siyaasada iyo Axsaabta qaranka, mana jirin war rasmi ah oo kasoo baxay kulankaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com