Hargeysa (ANN)- Kulan lagu faaqiday horrumarinta dhaqaallaha dalka ayaa lagu qabtay xarrunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyaddda iyo Horrumarinta Somaliland.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kulanka oo ahaa mid bille ah oo sidan oo kale bishiiba mar lagu faaqido sidii Dhaqaallaha dalka loo horrumarin lahaa. Waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Horrimarinta Maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay haggayaan Guddida Horrumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda oo ay hormood u yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdillaahi Xasan Aadan iyo saraakiisha kale ee hay’addaha iyo waaxaha Maaliyadda oo ay si wayn uga dhex muuqdaan waaxda dakhli soo saarka iyo waaxda xidhiidhka bulshada ee wasaaradda Maaliyadda iyo wasaarradaha kale ee Xukuumadda oo qayb ka ah ilaha dhaqaallaha dalka.
Intii uu socday kulanka waxa lagu wadaagay warbixino, doodo iyo falanqayn la xidhiidha beerka dhaqaallaha dalka iyo sidii loo hirgelin lahaa yoolka jadwalka la raacayo, waxaana la qaybgalayaasha iyo khariirada dhinaca dhaqaallahu Madasha kasoo jeediyeen talooyin ku aaden horumarinta dhaqaalaha Dalka sida; kobcinta wax-soosaarka, abuurista siyaasaddo, xeerar iyo samaynta daraasado la xidhiidha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa ka hadlay masuuliyadda Gudidda iyo waajibaadka laga sugayo.
Doodaha iyo Falanqaynta kulanka lagu axadhay intii uu socday waxa qodobada sida weyn loo lafo-guray ee ka qaybgalayaashu meel ku tiiriyeen, laga xusi karaa.
1. Qiimaynta iyo ansixinta istaraatiijiyadda horrumarinta dhaqaallaha Somaliland ee sanadkan 2025, si waafaqsan hiigsiga Somaliland ee 2030 iyo qorshaha horrumarinta qaranka ee 3aad.
2.Dhagaysiga iyo falanqaynta halka ay marayso daraasadda kobcinta wax-soosaarka dalka ee ay guddida farsamadu ku hawlanayd wakhtiyadii la soo dhaafay. Sida kulamadii sidan oo kale ahaa.
3. Qiimaynta iyo ka doodidda qaabka iyo qabashada shirka sanadlaha ah ee maddasha horrumarinta dhaqaallaha Somaliland.
Kulan-hawleedka oo daba socda kulamo sidan oo kale ah oo ay guddidu hore u yeesheen waxa uu qayb ka yahay dedaallada lagu horrumarinayo dhaqaallaha Somaliland.
Waxa xusid mudan inay jireen gudi heer Wasiiro ah iyo gudiyo-farsamo oo ka kooban Wasaaraddaha qaybta ka soo gala wadaagayaasha tiirarka dhaqaallaha, iyada oo doorka hogaaminta ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL.
Gunnaanadkii kulanka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaallaha JSL . Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa uga mahadnaqay Guddida Gollaha dhaqaallaha Xukuumadda sida wanaagsan ee habsami-u-socodka leh ee ay u-wadaan hawlaha,.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in si wanaagsan looga dooday kulanka laguna falanqeeyay Arrimaha dhaqaallaha, iyadoo la isku afgartay, qodobadii ajandaha la isugu yimi. Balse waxa loo balmanay shirar danbe oo arrimaha dhaqaaallaha Dalka lagu horumarinayo, kuwaas oo la filayo inay halkaa kasii anba qaadaan, isla markaana natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxdo.


