Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Brig Gen. Mr. Berhe Tesfay, ayaa shaaca ka qaaday in shacabka dalkiisu xaqiijiyeen awoodda ay u leeyihiin isticmaalka biyo-xidheenka ABBAY, isla markaana dunida u caddeeyeen inay dhaqaalahooda ku hirgeliyaan dhismahiisa.
Ambassador Tesfay waxa hadalkan ka sheegay munaasibad loo qabtay sannad-guuradii lixaad ee ka soo wareegtay bilowga mashruuca biyo-xidheenka ABBAY oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, hal-ku-dhegna looga dhigay sannadkan loo qaatay “Sidaan u bilownay ayaan ku dhammaynaynaa,” taasoo ay ka qaybgaleen dad ka badan shan boqol oo qof.
“Mashruuca dhismaha biyo-xidheenka dhammaantii waxa lagu fuliyey iskaashiga shacabka reer Itoobiya, isla markaana dhammaytirkiisu waa hawl sugaysa qof kastoo Itoobiyaan ah,” ayuu yidhi Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland.
Waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey muhiimadda mashruuca biyo-xidheenka ABBAY u leeyahay dalkiisa Itoobiya, “Shacabka Itoobiya waxay xaqiijiyeen inay awood u leeyihiin isticmaalka webiga ABBAY, waxaanay xukuumadda Itoobiya ku guulaysatay kaantaroolida biyaha ABBAY, si looga faa’iideeyo dhinaca wanaagsan.
Dawladda iyo shacabka Itoobiya waxay ku guulaysteen inay ka dhaadhiciyaan wadammada jaarka iyo dunida xaqa ay u leeyihiin isticmaalka biyaha ABBAY iyo in faa’iidada biyo-xidheenku dhammaan wada gaadhayso.”
Mar uu ka hadlayey faa’iidooyinka laga gaadhay dhismaha biyo-xidheenka ABBAY oo ku fadhiya dhul masaafadiisu gaadhayso 240 kun km (oo ah qiyaas le’eg inta ay isku jiraan magaalada Wajaale iyo Berbera), waxa uu Safiirku yidhi; “Faa’iidada koowaad ee laga helay waa in shacabka Itoobiya dhammaantood gacmaha isku qabsadeen hirgelintiisa, isla markaana midnimo qaran lagu gaadhay oo keentay in boqolkiiba 57% lagu guulaystay hirgelintiisa, iyadoo aan loo baahan amaah shisheeya.
Fursadaha kale laga heli doono mashruuca biyo-xidheenka waxa ka mid ah shaqo-abuur, ganacsi, tiknoolaji iyo dalxiis, kuwaasoo wax badan ku kordhin doona dhaqaalaha shacabka Itoobiya, dalalka jaarka ah iyo caalamka.”
Munaasibadd lagu xusayey sannad-guurada lixaad ee ka soo wareegtay dhimaha biyo-xidheenka ABBAY ee ka dhacday Hargeysa, oo sidoo kale lagu qabtay guud ahaan daafaha caalamka, waxa dadka lagu martiqaaday oo tiradoodu ka badan tahay boqol qof kaga dhawaaqeen xafladdaas inay mashruucaas ka iibsadeen saamiyo fara badan.
Dhinaca kale, xafladda lagu xusayey dhismaha biyo-xidheenka ABBAY ee Itoobiya, ayaa lagu tilmaamay tallaabo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ka baran karaan casharro ku saabsan faa’iidooyinka ku jira in la mideeyo muruqa iyo maalka ummadda oo ah dariiqa ugu wanaagsan ee horumar weyn lagu gaadhi karo.
Waxa sidoo kale laga qaadan karaa in hawl kastoo bulshadu isu-kaashato ay horseedo ka midho-dhalitiisa, iyo inay xoojiso midnimadii iyo walaaltinimadii u dhexeysay bulshada, waxaa la gudboon bulshada Somaliland inay wax badan ka bartaan, si horumarka dalkooda iyo danahooda u gaadhaan.