Araweelo News Network.

#Somaliland Iyo  Qaramada Midoobay Maxay Isla Qaateen

Hargeysa(ANN)-Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilasan Soomaaliya, #Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa kulan Albaabada loo xidhay la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Muuse Biixi Cabdi.

Lama ogga arrimaha sida dhabta ah ee lagaga hadlay kulankaa oo saacado qaatay, iyadoo xubnahaasi ilaa shalay ku sugnaayeen Somaliland, isla markaana kulamo la yeesheen Komishanka doorashooyinka iyo axsaabta qaranka, ka hor intii aannay maanta la kulmin Madaxweyne Biixi, balse qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo khilaafkii dhinaca wada shaqaynta ee Somaliland iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay oo in muddo ah taagnaa.

Alt: Araweelo News Network.

Kulanka Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wakiilka Khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaalida, Ambassador James Christopher Swan, Image Araweelo News Network. 3 Feb 2021. Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

“Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda  Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona. ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxtooyadda Somaliland.

 

Qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland laguma sheegin wax heshiis ah oo laga gaadhay in lagu soo afjaro khilaafka xukuumadda Somaliland iyo Hay’addaha qaramada midoobay , waxaana lagu yidhi, “Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.”

Kulanka Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Wakiilka Khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaalida, Ambassador James Christopher Swan, Image Araweelo News Network. 3 Feb 2021. Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Ambassador James Christopher Swan, ayaa ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka. sida lagu sheegay qoraalka.

Waxa kale oo lagu xusay qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda in kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Socdaalka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay iyo kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, waxa ku weheliyay madaxdda hay’addaha qaramada midoobay ee WFP, UN WOMEN    UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.