Warbixin by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland


Hargeysa(ANN)-Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa dhaarta ku waajibtay ee Dastuuriga ah marisay Lix xubnood oo ka mid ah Todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ka kooban yihiin, kuwaas oo ay ka maqantahay xubinta Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, kadib markii ay diideen inay soo magcaabaan xubintaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku dhaariyay Lixdaa xubnood Madaxtooyadda Somaliland oo Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi goob joog ka ahaa dhaarta la mariyay Xubnahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali iyo Lixda xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee la dhaariyay  25'th Nov 2019, Hargeysa Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali iyo Lixda xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ee la dhaariyay 25’th Nov 2019, Hargeysa Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub da-rdaaran adag u jeediyey, wuxuuna ku adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta. sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland markii la dhaariyay Lixdaa xubnood kadib.

AKHRI: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Falceliyey Canbaaraynta Xisbiga WADDANI Ee Komishanka Cusub

Lixda xubnood ee Komishanka cusub ee doorashooyinka ee maanta la dhaariyay, ayaa golaha wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Nov 12th, 2019, waxa weli ka maqan xubintii laga sugayay xisbiga mucaardka ee WADDANI, waxayna labada xisbi mucaarad ansixinta golaha wakiiladda ee Lixdaa xubnood ku tilmaameen aan sharci ahayn oo aanay aqbalayn.

AKHRI: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Oo Weedho Hanjabaad Iyo Dhaleecayn Ah U Jeediyay Madaxweyne Biixi Laba Sannadood Kadib Guuldaradii Doorashada

Dhaarinta Lixda xubnood ee komishanka oo khilaaf ka taagnaa, ayaa kusoo beegmay, kadib markii Golaha Guurtidu shalay muddo laba sannadood ah u kordhiyeen golaha wakiiladda Somaliland, halka ay iyaguna sannad ka danbaynayaan, waxayna isla shalay markii ay soo baxday muddo kordhintu sii xoojisay xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa labada xisbi mucaarad iyo xukuumadda, iyagoo baaq ay wadajir usoo saareen UCID iyo WADDANi, shalay ku shaaciyay mawqifkooda mudda kordhinta iyo xubnaha komishanak ee maanta la dhaariyay oo ay laba ka mid ah ku tilmaameen kuwo aan waafaqsanayn xeerka.
Balse xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa isagu hore usoo dhoweeyay Lixda xubnood markii ay golaha wakiiladdu ansixiyeen Lixdaa xubood. sidoo kale wuxuu Xisbiga KULMIYE, soo dhoweeyay mudda kordhinta loo sameeyay labada gole ee guurtida iyo wakiiladda Somaliland oo Nov 24th, 2019, oo ,ay qalinka ku duugeen aqalka Odayaasha ee guurtida Somaliland.

AKHI: Daawo: Qaabkii Lixda Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Loogu Codeeyay

Lixda xubnood ee Guddiga Doorashooyinka ee maanta 25’th Nov 2019, la dhaariyay, waxa laba ka mid ah soo magcaabay Madaxweyne Muuse Biixi, Laba xubnood oo golaha Guurtidu soo gudbiyay, laba xubnood oo Xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ah iyo xisbiga mucaardka ee UCID, soo magcaabeen iyo xubintii todobaad ee laga sugayay xsibiga mucaardka ee WADDANI, oo weli maqan, kadib markii xisbigu, isagoo ku doodaya in laba xubnood oo ku jira xubnahaa aanay buuxin shuruudaha xeerku jideeyay sidaa awgeed aanay aqblayn inta xubnahaasi ku jiraan inay qayb ka noqdaan xubnaha cusub ee Komishanka, sidaana ku hakiyeen xubintii laga sugayay ee xeerku u jideeyay.