Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meel mariyay xeerka Golayaasha ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee xeer Lambar 90/2020.

Fadhigii maanta oo uu shir gudoominayey guddoomiye ku xigeenka golaha Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa ka hor intii aan la gelin codka mudanayaasha u akhriyay Xoghayaha Golaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xeerka, ayaa laga saaray qodobada sheegaya Kootada Haweenka  iyo dadka laga tirada badan yahay.

Halkan Ka Daawo Mudanayaasha oo Xeerka u Codaynaya.