Hargaysa (ANN)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa munaasibad ku daah-furtay qalabka xadidaada xawaaraha gaadiidka (Speed governor).

Munaaasibada lagu daahfurayey qalabkaa oo uu ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu qabtay maanta dhismaha Waaxda Gaadiidka ee  Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ee Hargeysa.

xafladaxawaarahagaadiidka

Qalabkan oo lagu xidhi doono gaadiidka u kala goosha gobolada dalka si loo yareeyo khasaaraha shilalku keenaan oo Somaliland ku haya dhibaato weyn, isla markaana sannad walba galaafta boqolaal nafood iyo khasaare hanti maaliyadeed oo ay dhaliyaan shilalku.

Munaasibadan ayaa waxa  ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday xukuumadda, shirkadaha gaadiidka iyo ciidamada nabadgelyada wadooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa  waxa uu ka hadlay muhiimada qalabkani leeyahay waxaanu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee aynu waxaasi oo dhan u samaynaynaa waa  nabadgalayda iyo badqabka bani aadamka, aduunyada waxaasi oo sharci iyo nidaam ahna waxa loo samaynayaa waa in bani aadamka la badbaadiyo oo aanu qofku dayacnaan ku dhiman, waxa ay muhiimadeenu tahay maanta inaynu xilkaasi wada qaadno oo dadkuna u diyaar garoobaan, waana inaynu u wada istaagno dawlad ahaan, shirkad ahaan iyo darawaliin ahaanba inaynu masuuliyadaasi wada qaadno, markaa waxaan ugu baaqayaa dadweynaha in nidaamka wasaaraddu soo dejisay wada aqbalaan”.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka halday ujeedada ay ka leeyihiin qalabkan waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Ujeedada aynu maanta iskugu nimid waxa weeyi daahfurka qalabka xadidaada xawaaraha ee gaadiidka,, waxaana hore loo sheegay oo agaasimaha guud sheegay daraasadaasi aanu samaynay 2018 kii shilalka waxyaabaha keena sadex sababood ayaa ugu badnaa kuwaasi kala ah gaadiidka, darawalka iyo wadooyinka, waxaana aynu noqon doonaa dalkii labaad ee bariga Afrika ee hawshani ka hirgasho, waxaana nasiib wanaag noo ah maanta inaga oo Somaliland ah, Itoobiya oo aad ogtihiin inuu yahay wadamada ugu horumarsan inagaa ka horeyna, markaa waxa inoo sharaf ah in maanta in aan nahay wadanka labaad ee bariga Afrika ee ay hawshan ka hirgaasho, waxaan  ka  codsanayaa dhammaan mulkiileyaasha gaadiidka waxa aad haysataan muddo sadex bilood ah oo gaadhi kasta oo la siinayo qalabkan waxa waajib ah inuu sito Liisan, liisankana maaha kii hore ee waa ka cusub, waxaan u mahadnaqayaa shirkada GTS iyo shirkada Infinity oo hawshan qayb ka ah.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cumar Cabidlaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo munaasibadaasi khudbada furitaanka ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi

“Wasaaradda gaadiidka masuuliyadeedu waxa weeyi in la helo gaadiid dadka iyo badeecadaha u kala qaada dalka oo nabdoon oo badqaba, arintaasi iyada oo wasaaraddu ka duulaysa, isla markaana maanka ku haysa shilalkii badnaa ee wadanka ka dhacay, waxa aanu wasaarad ahaan hindisnay in la helo qalab lagu xadido”.

Wasiirada wasaaraddaha Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa ay xuseen in muhiimad weyn u yahay qalabkani gaadiidka dalka iskaga  kala goosha.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha nabadgelyada wadooyinka aaga bari ee magaalada Hargeysa Dhamme Sugule, Aas aasaha shirkadda caymiska ee Horn of Africa Insurance Marwo Yusur Abraar, Guddoomiye ku xigeenk Gobolka Maroodijeex Mudane Khadar Baaruud, La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Xildhibaan Obama iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Bile oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada uu qalabkani gaadiidka iyo badbaadinta dadka u leeyahay.

Ugu dambeyn waxa halkaasi lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Tiknoolajiyada iyo shirkada GTS, taasi oo ay ku mutaysteen sida ay ula shaqeeyaan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.